Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamiga oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan

Cabirka Farta
Talaado, May 20, 2008(HOL): Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamiga ayaa wali ka wada qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan dhaq-dhaqaaqyo ku wajahan sidii dadka looga iibin lahaa siyaasada Isbaheysiga ee lagaga soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Goobihii ugu danbeeyay ee xubnaha ka tirsan labada dhinaca tageen waxaa ka mid ah Degmada Buula-burte oo dad weyne isu soo baxay hadalo u jeediyeen Mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen Shiikh C/raxmaan Abuukar Macow iyo Col. Cumar Xaanshi Aadan oo ka kala tirsan Maxkamadaha Islaamiga iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya.
 
Shiikh C/raxmaan Abuukar Macow oo ugu horeyn la hadlay dadka ku dhaqan Degamada Buula-burte ayaa sheegay in Cadawga soo duulay uu la dagaalamayo Diinta Islaamiga sidaa daraadeed qofka oo Muslim ah xil ka saaran yahay Difaaca Diinta oo ah ayuu yiri waajib Alle ina saaray, waxaana uu intaa ku daray in hadafka socdaalkoodu yahay kaliya in ay dadka ku dhiirigaliyaan qaadashada Kitaabka oo ah kan ugu wanaagsan dhinaca Xukunka.
 
Waxaa uu farta ku fiiqay in ay jiraa dad Soomaali ah oo sida uu hadalka u dhigay Cadawga gacan ku siinaya in ay sii joogaan gudaha dalka, sidaa daraadeed waxaa uu sheegay in laga wada qeyb-qaato ka saarida dalka Cadawga oo markaa uu ula jeeday Itoobiya iyo kuwa raacsan.
 
"Dagaalka hada ka socda qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan Inshaa Alaah waa mid fure u noqon doona bilawga Cadawga oo laga guuleysto ayuu yiri Shiikh C/raxmaan oo dadka degmada Buula-burte ka codsaday in garab arintaa lagu siiyo.
 
Sidoo kale Col. Cumar Xaanshi Aadan oo ah Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka warqabaan dacadiyadii Ciidamada Itoobiyaanku ay ka geysteen Degmada Buula-burte intii ay ku sugnaayeen, lakiin waxaa uu yiri ugu danbeytii guul darado waxaa ay ku danbeydootaa iyaga iyo kuwa soo hogamiyay.
 
Olalaha aan kala go'a laheyn ee maalmihii ugu danbeeyay ka socday qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ayaa waxaa uu muujinayaa sida Gobalka ay ugu sii xogeysanayaan kooxaha ku kacsan Siyaasada Dowladda Federaalka iyo joogista Ciidamada Itoobiya, waxaana marka dhinaca kale la eego soo baxaya shaki dadku ka qabo dhaq-dhaqaaqyada socda iyo ugu danbeytii waxa laga dhaxli karo.
 
Dhinaca kale marka la eego Siyaasada Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Hiiraan kuna wajahan kooxaha kacdoonka wada waxaa la oran karaa waa mid ku dhisan wada hadal isaga oo sheeagay in xitaa uu meel la fariisnayo kooxaha ka soo horjeeda Maamulkiisa ee ku sugan Gobalka, Su'aalise waxaa ay ka joogtaan wada hadal dhaxmara Maamulka hada jira iyo kooxaha kacdoonka wada muxuu soo kordhin karaa xili arimuhu ka qasan yihiin dusha sare.
 
C/raxmaan Diini Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia