Talaado, May 20, 2008(HOL): Markabkii u rarnaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dhawaan lagu af-duubtay Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan la soo sheegayaa in Kooxihii Af-duubtay ay la aadeen dhinaca Xeebaha Gobolka Mudug.
Warar naga soo gaaray Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in Markabkaas oo lagu magacaabo MV. Victoria iyo shaqaale saaran oo Hindi u badan la geeyay Xeebta Deegaanka Ceel Huur ee Gobolka Mudug.
Ilaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Markabkan qafaashay, waxaase la sheegayaa in Markabka iyo Shaqaalahaba ay bed qabaan.
Laakin Mas’uul u hadlay Shirkadda Markabkan leh oo lagu magacaabo Mohamed Ali Clay ayaa u sheegay Wargeyska Khaleej Times in ay arrinta Af-duubka Markabkan xiriir kala sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse aysan weli la xiriirin Kooxaha Burcad Badeedka ah, “Waxaan la xiriirnay Dowladda Federaalka Soomaaliya, laakin ilaa iyo hadda lama xiriirin Kooxda Markabka heysata, mana naqaano waxa ay doonayaan”ayuu yiri Mohamed Ali Clay oo ah madaxa suuq-geynta Shirkadda Marwan Shiping oo fadhigeedu yahay Magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Markabkan ayaa cidda uu raran yahay waxaa ka soo baxay warar kala duwan, waxayna Dowladda Jordan oo uu Markabkan u diiwaangashan yahay ay sheegtay in uu sido Markabka Sokor Mucaawino ah oo ay ku deeqday Dowladda Denmark, halka ganacsato Soomaaliyeed oo Muqdisho Shir Jaraa’id ku qabtayna ay sheegeen in uu Markabka u raran yahay ganacsato Soomaaliyeed, uuna ka soo shiraacday magaalada Mombay ee Dalka India.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia