Dagaalkii ka socday Wadada 30-ka oo sii xoogeystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirana geystay

Sabti, March 01, 2008(HOL): Waxaa sii xoogeystay, isla markaana khasaare geystay dagaal saaka barqadii ka bilowday qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo markiisii hore ka dhex bilowday Ciidamo Soomaali oo dhawaan lagu soo tababaray gudaha Dalka Itoobiya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday ayaa waxaa markii dambe ku soo biiray Ciidamo Itoobiyaan ah oo watay gaadiidka dagaalka ee gaashaaman.

Dagaalkan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Albarako ee Degmada Hodan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 8 Ruux oo isugu jiray labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda iyo 6 ruux oo rayid ahaa oo caruur iyo haween ay ay ku jireen, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 9 ruux oo kale.

Goob-jooge ku sugan agagaaraha Shineemo Walaalaha oo ku taala Xaafadda NBC ee Degmada Hodan ayaa wuxuu HOL u sheegay in dagaal xooggan uu ka dhacayo xaafaddooda, isla markaana ay labada dhinac isugu adeegsanayaan madaafiic iyo rasaas xooggan, wuxuuna intaas ku sii daray in dagaalka uu sii xoogeystay mar ay ku soo biireen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka kala yimid Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga oo ku yaala Degmooyinka Wardhiigley iyo Hodan.

Dagaalkan ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha, waxayna saameyntaas timid kadib markii ay gudaha Suuqa, gaar ahaan qeybta sarif-yaraha ay ku soo dhaceen madaafiic aan la ogeyn khasaarihii ay geysteen. Dadkii ku sugnaa Suuqa ayaa mar kaliya isaga baxay Suuqa kadib markii ay madaafiicdaas ku soo dhaceen Suuqa, waxaana la arkayay dad badan oo guryahooda ku sii cararayay, si aysan Suuqa ugu go’doomin ama aysan waxyeello uga soo gaarin dagaalka ka dhacayay dhanka Waqooyi ee Suuqa Bakaaraha.

Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay gelinkii dambe madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo ciidamada halkaas ku suganna ay iyana ku jawaabeen madaafiic kale oo ku dhacday xaafado aaney dad deganeyn.

Sidoo kalena, Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo beryahan xaaladda magaalada Muqdisho ay ahayd mid degan oo aaney wax dagaallo ah ka dhicin marka laga reebo madaafiic lagu tuuro fariisimada ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia