Maamul cusub oo maanta loo doortay Gobolka Bay kadib muddo bilooyin ah oo uu maamul la’aan ahaa

Sabti, March 01, 2008(HOL): Gobolka Bay ayaa maanta waxaa loo doortay maamul cusub kadib markii uu muddo dhowr bilood ah maamul la’aan ahaa sabab la xiriirta khilaaf soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Bay.
 
Doorasho ka dhacay Xarunta Baarlamaanka KMG ah ee Baydhabo ayaa waxay Xildhibaannada Deegaannada Gobolka Bay ku doorteen Guddoomiyaha Gobolka Bay iyo Duqa Magaalada Baydhabo, kadib markii ay xilalkaas isu soo taageen musharixiin dhowr ah.
 
Guddoomiyaha Gobolka Bay ayaa loo doortay C/fataax Maxamed Ibraahim Geeseey, kadib markii ay tanaasuleen labo musharax oo xilkaas kula tartameysay, iyadoo markii tanaasulaaddaas uu helayna ay Xildhibaannada Deegaannada Gobolka si gacan taag ah ugu codeeyeen in uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bay.
 
Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa markii la doortay waxaa uu jeediyay hadal kooban oo uu ku sheegayay waxayabaha uu qaban doono, wuxuuna caddeeyay in uu wax ka qaban doono arrimaha Nabadgelyada, Caafimaadka, Waxbarashada iyo dhismaha Waddooyinka burbursan, wuxuuna sheegay in uu wax weyn ka qaban doono gobolka Bay.
 
Sidoo kalena, Xildhibaannada Deegaannada Gobolka Bay waxay Duqa Magaalada Baydhabo u doorteen Xasan Macallin Axmed Biikole oo 14 cod kaga guuleystay Sandheere Maxamed Iftin oo helay 13 cod, iyadoo ay xusid mudan tahay in Xildhibaannadii deegaanka ee wax kala dooranayayna ay tiradooda ahayd 27 mudane.

Ugu dambeyntiina, Doorashadan ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, kuwaasi oo mas’uuliyiintii loo doortay gobolka Bay kula dardaarmay in ay si xilkasnimo ah uga soo dhalaalaan xilka loo dhiibay ee lagu aaminay, iyagoo kula dardaarmay in ay iska ilaaliyaan waxyaabihii uu ku burburay maamulkii iyaga ka horeeyay.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia