Sabti, March 01, 2008(HOL): Goor dhaweyd ayaa waxaa dagaal xooggan uu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka , gaar ahaan nawaaxiga Isgoysyada Black Sea iyo Al-Baraka, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu soo tababaray dalka Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo baxeen fariisin ay ku lahaayeen Xeradii Shiirkole, isla markaana ay ku faafeen qeybo ka mid Wadada 30-ka, gaar ahaan Isgoysyada Black Sea iyo Al-Baraka, iyadoo kadibna ay dagaal kala hortageen Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ilaa iyo haatan aan la ogeyn cid wax ku noqotay rasaasta ay labada dhinac isku ridayaan, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay deegaannada uu dagaalka ka dhacay oo ah mid ay dadkii deganaa ka barakaceen.
Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay gelinkii dambe madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo ciidamada halkaas ku suganna ay iyana ku jawaabeen madaafiic kale oo ku dhacday xaafado aaney dad deganeyn.
Sidoo kalena, Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo beryahan xaaladda magaalada Muqdisho ay ahayd mid degan oo aaney wax dagaallo ah ka dhicin marka laga reebo madaafiic lagu tuuro fariisimada ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya.
Dhanka kalena, labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dilay Isgoyska Howl-Wadaag, iyadoo dilka labadaasna Askarina ay ka dambeeyeen Rag Bastoolado ku hubeysnaa. Xaaladda Isgoyskaas ayaa haatan waxay tahay mid haawaneysa, waxaana laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay ridayaan Ciidamo halkaas ku sugan, kuwaasi oo rasaasta ay ridayaan u tuuraya dhinaca Wadada Koowaad ee Suuqa Bakaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia