In ka badan 5 Soomaali ah oo loogu xiray falal Argagixiso Magaalooyinka Stockholm iyo Oslo ee dalalka Sweden iyo Norway

Sabti, March 01, 2008(HOL): Maxkamad ku taala dalka Sweden ayaa ku lagu waramayaa in ay amar ku bixisay in Labo nin oo Soomaali ah oo lagu eedaynayo in ay ku lug lahaayeen falal argagixiso ah xabsiga loo taxaabay kadib markii la sheegay in ay lacago u xawilayeen Maleeshiyooyinka Somalia ka dagaalama sida ay ku warameen warbaahinta dalkaasi iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Dawladda..
 
Sidoo kale waxaa su'aalo la waydiinayaa isna  nin 3aad oo loo xiray isla arinta la xiriirta lacago loo xawilayay dalka Soomaaliya oo Policeku ay rumaysan yihiin in lagu hagaajinayay kooxda Al-Shabaab sida ay ku waramayaan qaar kamid ah wariyayaal Soomaaliyeed oo dalkaasi ku sugan
 
3da nin waxaa ay sheegeen in haba yaraatee dacwadahaasi loo haysto aanay waxba ka jirin kadib markii lagu soo qabtay hawlgallo ay ciidanku ka sameeyeen Magaaladda Stockholm ee dalkaasi Sweden maalinkii khamiista, warar kale ayaa iyana sheegaya in sadex nin oo kale iyana loo qab qabtay danbiyadda noocan ah magaaladda Oslo ee dalka Norwey oo baaritaano lagu wado.
 
Ridwaan Xaaji Cabdiwali, London
[email protected]