RA’IISAL WASAARE NUUR CADDE: “Kursiga aan ku fadhiyo wax qiimo ah oo weyn iiguma fadhiyo, waxaana ka qiimo badan Nabad Umadda Soomaaliyeed u soo hoyata”

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde
Sabti, March 01, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa sheegay in haddii kursiga uu ku fadhiyo uu ku xiran yahay xal u helidda  mushkiladada Soomaaliya uu diyaar u yahay in uu kurigaas ka tago.

“Kursiga aan ku fadhiyo wax qiimo ah oo weyn iiguma fadhiyo, marka aan sidaas leeyahay xumaan ulama jeedo, waxaase ka qiimo badan Nabad Umadda Soomaaliyeed u soo hoyata” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in uu diyaar u yahay in uu nabad ka dhalata Soomaaliya dhaafsado kursiga uu ku fadhiyo.

Ra’iisal Wasaaraha oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa wuxuu sheegay in ay Xukuumaddiisa ka shaqeyneyso dib u heshiisiinta, isagoo caddeeyay in ay la hadlayaan mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda meel kasta oo uu joogo.
 
Mar wax laga weydiiyay waxa ka jira in isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu khilaaf u dhaxeeyo ayaa wuxuu sheegay in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha, marka laga reebo in ay jireen wax xoogaa isweydiin ah oo ku saabsan qaabka dib u heshiisiinta loo wajahayo.

“Aniga iyo madaxweynaha ma jiraan wax khilaaf ah oo dhexdeena yaala, sabab la isku khilaafana iima muuqato”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in aysan xitaa jirin aragti kala duwanaasho u dhaxeysa isaga iyo Madaxweynaha.
 
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sii hadlayay waxaa uu si cad u sheegay in aysan kala sooceynin mucaaradka ka soo horjeeda Dowladdiisa, isla markaana ay cid kasta la hadlayaan xitaa Ururka Al-shabaab, "Annagu ma kala sooceyno mucaaradka Dowladda waana la hadleynaa cid kasta, waxaana aamisannahay in Shabaab ay yihiin Dhalinyaro Soomaaliyeed, waana la hadleynaa,”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in ay dib u heshiisiinta daacad ka tahay, isla markaana ay doonayaan in ay fuliyaan.

Waxaa uu sheegay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu rajo wanaagsan ka qabo in  waqti aan fogeyn uu dhaco isa soo horfariisi dhexmara Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, isla markaana laga wada hadlo dhibaatada ay ku jiraan Dadka Soomaaliyeed.

Mar wax laga weydiiyay waxa uu ku saabsanaa kulan ay Baydhabo kula yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen ayuu sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsanaa sida uu u sii adkaan lahaa xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo weliba qodobo ku saabsanaa Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia