Sabti,
Ku: Beesha Caalamka
Ujeedo: soo bandhigid hantidii ay Ciidamada TFG-da ka boobeen Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Guddi qiimeyn oo uu Golaha dhaqanka iyo midnimada Hawiye u xilsaaray in uu soo qiimeeyo inta uu gaarsiisan yahay boobkii ay ciidamada TFG-da u geysteen Suuqa weyn ee Bakaaro Taariikhdu markay ahayd
Hordhac
Waxaa wax lala yaabo ah in ciidamo wato dareeska dowladda oo ay horkacayaan saraakiisha ciidanka dowladda ay boob iyo dhac baaxad weyn leh u geystaan shacabkii ku ganacsanayey Suuqa Bakaaraha qeybihiisa kala duwan iyadoo ay ogolaansho uga haystaan boobkaas Madaxda dowladda, waxaa taa daliil u ah:
In Ciidamadii dhacay Bakaaro ay wateen Faasas, Garweyn, Badiilo, Iskarbeelooyin iyo aaladaha guryaha lagu jabiyo.
Waxaa horkacayey ciidamadaas Taliyayaalkooda la yaqaanay, iyadoo ay korna ka waardiyaynayeen ciidamada Itoobiya.
Waxay badeecada ay ka dheceen Bakaaro ku daabulayeen Baabuur waaweyn oo aan qarsoodi aheyn.
Waxaa ilaa iyo hadda aan arrinkaan cambaareynin labada Gole ee dowladda iyo Madaxweynaha TFG-da.
Afartaa qodob ee aan soo sheegnay waxay daliil cad u tahay in dowladda ay raali ka aheyd dhicii loo geystay Bakaaro, taasoo goluhu u arko nasiib darro in shacabka Gobolka Banaadir ee 3/2 looga barakiciyay magaalada in maantana hantidooda lagu dhaco Bakaaro, iyadoo inta ku hartay magaalada Muqdisho maalin walba ay ciidamada dowladda ay Dil iyo dhac ugu geystaan goobohooda ganacsiga iyo xaafadahoodaba.
Sidaa darteed qiimeyn iyo daraasaad uu ka soo sameeyay qasaarihii soo gaaray ganacsatada Suuqa Bakaaro ayaa waxa uu soo bandhigayaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye Hantidii laga dhacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha:
Qeybaha la dhacay iyo Qiimaha Hantida la dhacay.
|
Qeybaha la dhacay |
Qiimaha Hantida la dhacay |
|
Dhac loo geystay Bacadlihii Hore |
$1,090,647 |
|
Dhac loo geystay Bagaashleyda C/lle Shideye |
$219,390 |
|
Dhac loo geystay qeybaha Jumlada Dharka |
$1,206,245 |
|
Dhac loo geystay Qeybaha Electrooniga |
$138,000 |
|
Dhac loo geystay qeybaha daawada |
$30,000 |
|
iyo Qeybo kale |
$162,718 |
|
Isugeyn hantidii laga dhacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha |
$2,847,000 |
Baaq
Waxaan ugu baaqeynaa Ganacsatadii Soomaaliyeed ee la dhacay iyo guud ahaan Shacabka gobolka Baanaadir in ay ku sabraan Musiibadaan, si allaah uu badal wanaagsan u siiyo.
Waxaan Beesha caalamka ugu baaqeynaa in aysan ku kadsoomin taageerista dowladda ay ciidamadeeda sidaa u dhacayaan shacabka, una barakicinayaan.
Waaan ugu baaqeynaa dowladda Itoobiya in ay Ciidamadeeda gabi ahaan kala baxdo dalka Soomaaliya maadaama ay yihiin kuwii xasuuqa ka geystay Gobolka Banaadir, hadana ay yihiin kuwa lugaha u hayo shacabka Ciidamada TFG-da ee dhacayo.
Ugu dambeyn waxaan beesha caalamka iyo hay’adaha ka shaqeeya daryeelka Bulshada ka codsanaynaa in la ceymiyo ganacsatadii ku cayrtoowday dhacaas, si ay dib ugu unkaan ganacsigooda.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka & Midnimada Hawiye