Sabti, March 01, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta wuxuu magacaabay Afar Safiir oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Dalalka Suudaan, Qadar, Turkiga iyo Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva.
Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud Xuub-sireed oo magacaabista Safiirradaas goob-joog ka ahaa ayaa wariyayaasha u sheegay in Safiirrada la magacaabay ay kala yihiin Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari oo loo magacaabay Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Geneva, Mahdi Abuukar oo loo doortay Safiirka Suudaan, Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji oo loo magacaabay Dalka Qadar iyo Hilaal Maxamed Aadan oo loo magacaabay Dalka Turkiga.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo safiirradaas la dardaarmayay ayaa wuxuu sheegay in looga fadhiyo in ay ka shaqeeyaan sidii ay u wanaajin lahaayeen xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka loo magacaabay, wuxuuna sheegay in ay madaxda dalalkaas ugu cel celiyaan sidii ay gacan u siin lahaayeen dalka Soomaaliya oo muddo dheer ku soo jiray burbur iyo dagaallo.
Danjirayaashan maanta uu magacaabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu dhaariyay Xaflad lagu qabtay Xarunta madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo munaasabaddii Safiirradaas lagu magacaabayayna uu xaadir ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia