Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in ay heshiis wada gaaraan dhinacyada Soomaalida ee maalmahan shirku uga socday magaalada Jabuuti. Warbixin uu sii daayey Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka islmarkaasna ah Wasiirka Warfaafinta Mr. Axmed Cabdisalaan Aden ayaa sheegay in lagu heshiiyey qodobo ay ka mid yihiin:
a) In xabadda la joojiyo
b) In Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya kaga baxaan muddo afar bilood ah
c) In la keeno Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo kuwa Itoobiya bedela
d) In si wadajir ah looga wada shaqeeyo nabadeynta waddanka Soomaaliya
Qodobadaas oo dhameystiran waxaan idiinku soo gudbindoonaa halkaan.
Hiiraan Online