Heshiis saddex-geesood ah oo ay wada saxeexdeen Xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta Mucaaradka

Isniin, 09 May 2008 (HOL): Saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka, ayaa maanta dhammaystiray heshiis horraantii bishan laga gaadhay Khilaafaad Siyaasadeed oo Somaliland ka taagnaa muddooyinkii u dambeeyay.

 Xaflad ballaadhan oo ay ka soo qaybgaleen hoggaamiyayaasha saddexda Xisbi, Ha'yadaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan, Xubno ka socda Dawladda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan oo maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay saddexda Xisbi qaran ay wada-jir u saxeexeen heshiis ay labada Xisbi Mucaarad iyo Xukuumaddu ka gaadheen horraantii bishan. Kaas oo ka koobnaa 8 Qodob. Saddexda Xisbi oo ay kala metelayeen, Xisbiga talada dalka haya ee UDUB oo uu u saxeexay heshiiskaa M/weyne-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiye-xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, Xisbiga Kulmiye oo uu u saxeexay guddoomiye-xigeenka, ahna ku-simaha guddoomiyaha Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga UCID oo uu u saxeexay Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe.

Heshiiskan maanta waxa kale oo si goob-joognimo ah uga qaybgalay, isla markaana magaca Komishanka Doorashooyinka ku saxeexay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Maxamed Ismaaciil (Kabo-weyne).

Xafladda maanta lagu kala saxeexday heshiiskan hore loo gaadhay, oo qodob ka mid ahi dhigayo in inta ka horaysa 6 April 2009, laga soo hormariyo oo la qabto Doorashooyinka Madaxtooyada, isla markaana ay dambayso Doorashada dawladaha hoose. Waxa kale oo ka mid ah qoddobada heshiiskan, in aanay Golaha Guurtidu farogelin ku samaynin Doorashooyinka soo socda, oo haddii muddadu ka dhamaato Xukuumadda aanay muddo-kordhin u samaynin IWM.

Saxeexa saddex-geesoodka ah ee heshiiskani, waxa uu ku soo beegmay waqti Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu haatan ku sugan yahay dalka Ingiriiska, isla markaana Xubno ka mid ah saddexda Xisbi ay iyana gaadheen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo la filayo inay saddex Xubnood oo ka mid ah Hoggaanka Xisbiyadu tegaan. Kuwaas oo kala ah, Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha guud ee UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale. Waxaanay halkaa wada-hadallo kula soo yeelan doonaan Deeq-bixiyayaasha Somaliland ka caawiya dhinaca Doorashooyinka, oo 10 May ee bishii aynu ka soo gudubnay shaaciyay inay laaleen kharashkii ay ugu talo galeen Diiwaangelinta Doorashooyinka Somaliland, ka dib markii khilaaf ka dhashay muddo-kordhin loo sameeyay Madaxweyne Rayaale uu bilowday.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland