Isniin, June 09, 2008(HOL): Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta sare ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu sheegay in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta sare ee Golahaas.
Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) oo khilaafkaas shaaca ka qaaday ayaa wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Golaha iyo Afhayeenka Dhaqanka Golaha ay ku tunteen sharciga u degsan Golahooda, isla markaana sida uu hadalka u dhigay ay sameeyeen ku takri-fal awoodeed.
C/llaahi Dheere waxaa uu intaas ku daray in xubnaha golaha ay ka soo horjeedaan tallaabooyin sida uu yiri sharci darro ah oo ay Guddoomiyaha iyo Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha ay qaadeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay arrintaas go’aan ka qaadan doonaan.
“Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa la aas-aasay xili uu dalka xaalad adag ku jiray, waxa loo dhisayna waxay ahayd in uu u dooda xuquuqda Beesha Hawiye, marka ma ahan arrin sax ah in hadda awooddii golaha ay dad gaar ah la wareegaan”ayuu yiri C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere).
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu khilaaf soo kala dhexgalo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye tan iyo markii la aas-aasay, waxaana jirtay in uu mar sii horeysay is-khilaafay, dabadeedna la sheegay in Guddoomiyihii Golaha Xaaji Cabdi Iimaan iyo Afhayeenkii Siyaasadda C/llaahi Shiikh Xasan lagu sameeyay xil-ka-qaadis, iyadoo xilalkoodiina loo kala magacabaay Maxamed Xasan Xaad iyo C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia