Isbaheysiga Dib u xoreynta oo sheegay in haddii ay burburaan wada hadallada Jibouti aysan mas’uuliyaddaas qaadeynin

Isniin, June 09, 2008(HOL): Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheegay in ay burburaan wada hadallada Jibouti aysan mas’uuliyaddaas qaadeynin.

C/raxmaan C/shakuur waxaa uu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin in wada hadallada guuleystaan, isla markaana ay miro ka soo baxaan, wuxuuse sheegay in ay wada hadallada soo dhexgashay faragelin dibadda ah, taasi oo uusan xusin halka ay ka imaaneyso.

“Wada hadallada socda haddii ay burburaan mas’uuliyaddeeda ma qaadeyno, waayo annagu waxaa diyaar u nahay in wada hadallada miro ka soo baxaan, isla markaana xal loogu helo mushkiladda Soomaaliya.

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlayay waxyaabaha keenay in wada hadalladooda ay miro ka soo bixi waayeen muddo todobaad ka badan wuxuu sheegay in ay jiraan waxyaabo la isku mari la’ yahay oo uu ka xusay in erayeyn (wording) loo sameeyo bixitaanka Ciidamada Itoobiya, wuxuuna xusay in ay iyagu qabaan in la yiraahdo Ciidamada Itoobiya waxay Soomaaliya ka baxayaan waqtigaas, halka uu xusay in ay dhinaca kale ee TFG-da ay arrintaas ka soo horjeedaan.

Hadalka Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Wada hadallada Jibouti ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay uu sheegay Danjire Ahmedou Ould-Abdallah in aysan muuqaal wanaagsan lahayn wada hadallada ay Jibouti ku leeyihiin dhinacyada isku haya Soomaaliya, isagoo sheegay in dhinacyada Soomaalida ay yihiin kuwo dano gaar ah difaacaya oo aan isu tanaasul muujineynin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia