Isniin, June 09, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen guriga uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe).
Weerarka lagu qaaday guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday mid ka mid ah gacan-yarayaasha Guddoomiyaha Baarlamaanka, kaasi oo ay toogteen kooxihii weerarka soo qaaday.
Lama soo sheegin wax khasaare kale ah oo uu weerarkaas geystay, marka laga reebo in uu argagax geliyay dadkii deganaa nawaaxiga guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa marka gurigiisa la weerarayay wuxuu ku maqnaa safar uu ugu amba baxay dalka dibaddiisa, waxaana kaliya joogay gacan-yarayaashiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah.
Weerarka xalay lagu qaaday guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan weerar lagu qaaday guriga Xildhibaan C/llaahi Shaleyti oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo weerarkaasina ay ku dhaawacmeen labo xaas iyo Caruur uu dhalay Xildhibaanka.
Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa muddooyinkan ammaankeeda wuxuu ahaa mid uu sii xumaanayay, waxaana ka dhacayay dilal iyo qaraxyo lala beegsanayay ciidamada Dowladda iyo Itoobiya iyo weliba mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia