Isniin, June 09, 2008(HOL): Muran iyo Is-jiid jiid la xiriira joogtaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Magaalada Beledweyne kadib hada waxaa soo baxaya warar sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanku ku adkeysteen sugida Nabad-galyada guud ee magaalada inta si rasmi ah looga helayo sida ay hadalka u dhigeen Ciidamo awood leh oo difaaci kara daha Maamulka Cusub ee Gobalka Hiiraan.
HOL xiriiro kala duwan la sameysan qaar ka mid ah Xubnaha Maamulka Cusub iyo Wax-garadkii ku howlanaa ka saarida gudaha Magaalada Ciidamada Itoobiya ayaa ugu danbeytii ogaatay in Maamulka gobalka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan kuwa Itoobiya si gaar ah is kula meel dhigeen Joogitaanka Ciidamada, inkastoo aritaa ay siweyn uga soo horjeeda qaar badan oo ka mid ah Wax-garadka iyo Golaha Odayaasha dhaqanka oo markii horeba lahaa soo jeedinta ah in Ciidamada aan loo ogolaan in ay fariisimo ka sameytaan goobaha shacabku ku badan yahay.
Marka aad u fiirsato dhaq-dhaqaaqa Ciidamada Itoobiyaanka waxaa markiiba kuu soo baxaya in ay iyagu yihiin Ciidamad rasmiga ah ee sugaya Nabad-galayada magaalada iyo xitaan Mas'uuliyiinta maamulka Gobalka, waxaad ku arkeysaa Ciidamada gudaha magaalada habeen iyo maalin iyaga oo roondo sameynaya, sidoo kale waxaa ay la socdaan gadiidka ay lee yihiin Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka, halka Buutada Liq-liqato ee kala qeybisa Magaaladana ay ka wadaan baaritaano lagu sameynayo dadka iyo gadiidka intaba.
Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa jira marka loo kuurgalo hadal heynta dadka shacabka ah wal wal iyo cabsi laga qabo dhibaatada ka dhalan karta Ciidamada Itoobiya ee dhax jooga goobaha shacabka, waxaana muuqaneysa in arinta ay ugu sii dartay hadal dhawaan ka soo yeeray Xubanaha Maxkamadaha ee jooga Gobalka Hiiraan oo iyagu sheegay in laga fogaado goobaha ay joogaan Ciidamada Itoobiya.
'' Runtii waa in maamulku uu la yimaado qorshe ka badalan kan hada jira, waayo suurta gal ma'aha in ay is dhax joogaan dadka shacabka ah iyo Ciidamada Itoobiya oo sida la og-yahay ay jiraan kooxo ka soo horjeeda ayuu yiri mid ka mid ah Waxgaradka Magaalada oo u warmayay HOL.
Lakiin hadana marka aad dhinaca kale wax ka eegto xiligan malaha Maamulka Cusub ee Gobalka Hiiraan Ciidamo ku filan oo hanan kara Amaanka magaalada, sidaa daraadeed waxaa muuqneysa in Maamulku ka sii hortagayo bur bur ku dhaca jiritaankooda hadii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Magaalada.
Sidoo kale waxaa xisaabta ku jira in Ciidamada Itoobiyaanku laftirkooda ilaashanayaan danahooda Nabad-galyo iyo tooda Nolaleed intaba, waayo maalin kasta waxaa ay gudaha Magaalada ka qaataan Ciidamada Itoobiya ku dhawaad ilaa 80 fuusto oo biyo ah taasoo u baahan laftirkeeda in laga ilaaliyo weeraro kaga yimaada kooxaha ka soo horjeeda.
Sikastaba magaalada Beledweyne ayaa hada u muuqneysa mid uu ka jiro jahwareer ka dhashay joogitaanka Ciidamada Itoobiya, iyo is faham la'aan u dhaxeeya qaar ka mid ah Wax-garadka iyo mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan, balse ugu danbeyntii la arki doonee halka xaaladu isugu biyo shubato.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamada Itoobiya oo si toos ah ula wareegay ammaanka Magaalada Beledweyne kadib muran in mudo ah ka taagnaa joogitaankooda
More News
- Shirkii Jabuuti oo lagu heshiiyay
- Halkee ku dambeeyaan Wada Hadalladii dhinacyada Soomaalida uga socday Dalka Jibouti?
- Mas’uuliyiinta sare ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo uu khilaaf soo kala dhexgalay
- Heshiis saddex-geesood ah oo ay wada saxeexdeen Xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta Mucaaradka
- Dadaallo Diblumaasiyadeed oo lagu badbaadinayo Wada hadallada dhinacyada Soomaalida oo Jibouti ka socda
- Kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo
- Isbaheysiga Dib u xoreynta oo sheegay in haddii ay burburaan wada hadallada Jibouti aysan mas’uuliyaddaas qaadeynin
- Waa sidee Xaaladda Magaalada Muqdisho kadib dagaal xooggan oo shalay ka dhacay?