Isniin, June 09, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in ay halkaas ka socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo ay wadaan Qaramada Midoobay iyo Dowladda Jibouti, kuwaasi oo lagu badbaadinayo Wada hadalladii u socday dhinacyada Soomaalida oo qarka u fuulay in ay burburaan.
Dadaalkaas ayaa wuxuu soo baxay kadib markii uu shalay sheegay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah in aan wax horumar ah laga gaarin wada hadallo dhinacyada Soomaalida u socday muddo todobaad ka badan.
Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in horumar la’aantaas ay ugu wacan tahay iyadoo dhinacyada Soomaalida ay dhex taalo kalsooni darro iyo isu tanaasul la’aan, taasi oo uu sheegay in ay ka dhalatay colaaddii mudada dheer ka taagneyd dalka Soomaaliya.
Hotelka Kempinski oo ay wada degan yihiin ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxaa lagu arkayaa mas’uuliyiin ka socda Dowladda Jibouti iyo kuwo Qaramada Midoobay ka socda kuwaasi oo dadaal ugu jira sidii ay shirka uga badbaadin lahaayeen in uu burburo.
Ergooyinka labada dhinac ayaa iyaguna waxaa u socda wada hadallo gooni gooni ah oo ay uga arinsanayaan cawaaqibka ka imaan kara haddii ay burburaan wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee mudada todobaadka ka badan uga socday Hotelka Kempinski.
Dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxay ku kala adkeysanayaan shuruudo ay shirka la tageen, kuwaasi oo kala ah inay ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya iyo in inta aan Ciidamada Itoobiya la saarin marka hore la heshiiyo iyadoo sidoo kalena uu jiro is-mari waa’ ku saabsan qaabka loo dhigayo qodobo ku jira heshiis ay labada dhinac wada saxiixayaan.
Warar kale oo aan ka helnay magaalada Djibouti ayaa waxay sheegayaan in si loo badbaadiyo wada hadallada Soomaalida u socda ay xitaa Qaramada midoobay kala hadleyso arrimaha Soomaaliya Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya dalka Jibouti Danjire Shamsuddiin Rooble iyo Gen. Gabre oo ah sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibaddiisa oo si weyn uga xumaaday warka aan wanaagsaneyn ee ka soo yeeray wada hadallada Jibouti ayaa haatan waxay dhegta u taagayaan waxa ay soo kordhiyaan dadaallada ay wadaan Qaramada Midoobay iyo Dowladda Jibouti, kuwaasi oo ku wajahan sidii loo badbaadin lahaa Wada hadalladii u socday dhinacyada Soomaalida.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia