Ergayga Gaarka ah ee Qarammada Midoobay oo ammanay horumarka laga garay heshiskii Jabuuti

Cabirka Farta

WAR SAXAFADDED 017/2008


UNPOS
Wednesday, July 16, 2008

 

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda  Soomaaliya, Ahmedou Ould Abdallah
Nairobi (UNPOS) -Ergayga Gaarka ah ee Qarammadda Midobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda  Soomaaliya, Ahmedou Ould Abdallah ayaa ku amanay Dhinacyadda ama Garabyada Soomaaliyeed sida dhaqsaha leh ee ay  ugu howlgaleen  in ay horumariyaa heshiskii Jabuuti ee  9 kii June 2008.

 

“Horumarka illaa iyo hadda la garay waa mid na dhiirri gelinaya” ayuu yiri Ahmedou Ould Abdallah. “Muddo hadda bil laga joogo, ayaa musu’liyiin Soomaaliyeed oo ka kala socda qaybo kala gedisan, ayaa waxay talabo geesinimo leh u qaadeen sidii loo soo celinayo sharaftii dhawacantay ee waddankooda”.

 

Ergaygu waxa kale oo uu sheegay in daka hawsha wadday ay san aheen  mas’uliyiinta Soomaaliyeed oo keliya.  Waxaa la shaqaynayay mus’uliyiin kale oo wawayn sida kuwa waddamada gobalka iyo bulshada caalamka oo ay ugu horeeyaan  Xubnaha Jogtada ee Golaha Amaanka- kuwaas oo dhamman goob joob ka ahaa dhacdadii  wayned ee Jabuuti. Bulshada Caalamka, siiba Ururka Midowga Yurub, Norway iyo Mareykanka ayaa durbadiiba  diyaargareyey dhaqala mug leh oo lagu dhaqan gelinaya heshiski Jabuuti. Muddadii ka dambeysay saxixii heshiiskii Jabuti , dadka Somaliyeed, waxay fursad u heleen inay isu diyaariyaan sidii ay uga hor tagi lahayeen aqabadaha cusub ee horyaala, isla markaasna uga dhaadhicin lahayeen  muhimmadda heshisku a kuwa weli  ka shakisan qaabka dib loogu soo unkayo ama celinayo qarannimaddi Soomaliyeed.

 

Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qabilsan Arrimaha Somaliya ayaa sheegay in Xubnaha Golaha Ammanka ay waqti dhow ka shiri doonaan Arrimaha Somaaliya. Ergaygu waxa kale oo u tibaaxay in uu  wafdi isku dhaf af ee Soomaliyeed ay aadi donaan Golaha Ammanka isla markaasna ay la shiri doonaan Soomaalida qurbaha ku nool, sida kuwa jooga dalka Maraykanka iyo waddama kaleba.

 

“Kadib markii iska hor immad hubaysan uu ka dhacay dalka, kana bilowday loolan dhinaca siyasaddeed, ka dibna isu bedelay iska horimad ka dhex dhacay qabaa -ilaadka Soomliyeed,  ayaa waxa  hadda jira rajo- taas oo ah in u waa cusub u baryayo daka Soomaaliyeed. Waana mid aanan laga leexleexanaynin waddada dadka Soomaaliyeed  ay kula soo noqonayaan sharaftooda iyo karamadooda.

 

Nabad sameyntu,  sida ay ugu baahantahay geesinimo, waddaniyad iyo go’aan qadasho aan leex- lexad lahayn, si la eg ayeey hadana u leedahay caddowyo fara badan. Labatankii sanno ee la soo dhaafay dad badan oo Somaaliyeed  ayaa si xun dalka loogu dilay, kuwo kalena qoxoti ku noqdeen, ama ku bara kaceen dalka gudihiisa. Ummadda inteedi kaletana waxay noqodeen lahaystayaal.   In taa waxaa dheer in aawoddi weyneed ee ganacsatda Soomaliyeedna si buuxda loo isticmali waayey maadaama aysan nabadi jirin.

 

“Waa in la cambaareeyaa dilka macnadarrada ah ee dadka Soomaaliyeed,  ee aan waxba galabsan. Lama ogolaan karo dilka dadka ganacsatada Soomaaliyeed ah, sida Cabbas Mahamed Du’ale, Haji Abdirihin Sheikh Ibrahim ama dilka shaqalaha hay’adaha samafalka u shaqeya sida Madaxi Xafiska UNDP Muqdishu, Osman Ali Ahmed, ama sida Ahmed Saalim, oo gar-wadeen ka ahaa gawarri cunto waday, ama sida wariye Nastex Dahir Farax.  Sannadan,  waxaa ladilay dad Soomaaliyeed oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada – waxaana dadkaasi dilay dad kale ee Somaliyeed. Haddaba waa in lala xisaabtama kuwa tabaraya, haddan hubeyana  dhallinyarada Soomaliyeed kuna baraarujinaya in ay dilaan walalahooda.  Kuwaan dhalinyarada hubaynaya Alla hortisana iyaga ayaa masuliyadda qaadaya, aadunkuna  ciqaab ayey ku mutaysandoonan. Dambiyada noocan oo kale ah weligood lama illaabo iyadoon la iska abaal marin.

 

“Maanta waa maalin muhiim u ah taarikhda Soomaliyeed .  Sidaas darteerd, waxaan ugu baqayaa dhamaan muwadhininta Soomaliyeed in ay midoobaan, difaacaanna sharaftooda, isuguna yimaadan sidii ay u helilahaayeen nabad iyo cadalad- taas oo lamid ad sidii ay sameyeen odoyashii Soomaaliyeed ee  xisbigii SYL- sanadkii 1940 timeeyaddi.

 


Susannah Price, Public Information Officer, UN Political Office for Somalia (Nairobi)

                          Tel. + 254 20 762 1192 (0) + 254 733 902020 (m)

                                               www.UN-Somalia.org