Arbaco, July 16, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gadiidka Dagaalka, kana soo gudbay dhinaca Degmada Feer-feer ayaa xalay ku soo biiray Ciidamadii horey u sii joogay Xerada Jante-kuundisho ee duleedka bari Magaalada Beledweyne, kuwaasi oo shalay weerar madaafiic hoobiye loo adeegsadya lagu qaaday.
Ciidamada Itoobiyaaka ah ayaa ka hor inta aysan soo gaarin Xeradaas waxaa ay saacado kooban ku hakadeen tuulada Ceel-gaal oo sida wararku sheegayaan ay ka qaateen Biyo, waxaana markii ay u soo dhaqaaqeen dhinaca Jante-kuundisho ay bilaabeen in ay ku ridaan rasaas aan sidaa u sii badneyn dhulka buuraha ee ka koreeya Jidka ay ku safrayeen.
Warar sidoo kale goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in uu jiro dhaq-dhaqaaq Milatari oo durbaba ka bilaawday Xerada ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya kuwaa oo isku fidiyay dhamaan daafaha Magaalada, halka sidoo kalana ay Ciidamo aad u hubeysan u dhaqaaqeen dhinaca dhulka buuraha ah.
Dad badan ayaa isweydiinaya culuska Ciidamadan cusub ay ku kordhin karaa xiisaddii markii horeba ka taagneyd Magaalada Beledweyne, dadka qaar ayaa qaba in Ciidamada hadda soo gaaray Xerada Jante-kuundisho sahli karaan in Itoobiyaanku gudaha u soo galo Magaalada, halka kuwa kalena qabaan in kaliya ujeedada Ciidamadani noqon karto in la xoojiyo difaaca Xerada Jante-kuundisho haddii ay soo weeraraan kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Si kastaba warka ha loo dhigo, waxaa hubaal ah in xaalku yahay mid Miletari oo aan lagu ogaan karin mala awaal shaqsi iyo koox toona waxaana indhaha lagu wada hayaa ugu danbeytii tallaabada tan xigta ee ay qaadi doonaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee isku urursanaya Xerada Jante-kuundisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamo hor leh oo Itoobiyaan ah oo ku biiray Ciidamada Itoobiya ee jooga Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Ergayga Gaarka ah ee Qarammada Midoobay oo ammanay horumarka laga garay heshiskii Jabuuti
- Wasiirka Amniga Puntlad Cabdulaahi Siciid Samatar oo Safar aan horay loo sii shaacin ugu Ambabaxay Degmada Laas-Qoray ee Gobolka Sanaag
- Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay nabadgelyo darrada ka taagan Soomaaliya
- Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Seddex ruux oo ka mid ah Dadka deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool
- Iiraan oo Indheer-garadka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay xaliyaan dhibataada Soomaaliya
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in uu xilka ka tegayo haddii ay taasi nabad u keeneyso Soomaaliya
- Dhinacyada Isbaheysiga Dib u xoreynta oo wada hadallo ay ku lahaayeen Dalka Yemen ay rajo wanaagsan ka soo baxeyso
- Meydad laga helay goobihii ay shalay dagaallada ka dhaceen ee duleedka Degmada Berdaale