Arbaco, July 16, 2008(HOL): Isku-duwaha hawlaha gargaarka bini'aadminimada Soomaaliya, Mark Bowden, ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday dareenkiisa ku wejahan xaaladda murugada leh ee nabadgelyo darrida ah ee sida xawliga ah u sii xumaanaysa, taas oo lagu bartilmaameedsanayo shaqaalaha Qaramada midoobay iyo hay'adaha aan dawliga ahayn (NGO) ee Soomaaliya ka hawlgala, isagoo ka jawaabayey dilkii loo gaystay labo muwaadin oo Soomaali ah oo u shaqayn jiray hay'ado aan dawli ahayn oo dhinaca samafalka oo jimcihii lagu toogtay Muqdishu. Wuxuu kaloo shaaca ka qaaday sida qotada dheer ee uu uga murugooday heerka aan la aqbali karin ee xad gudubyada xiisadaha wata ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Soomaalida ah.
Weerarrda ka dhanka ah shaqaalaha samafalka, ayaa ku soo beegmay in ka yar hal toddobaad kaddib markii dilkii foosha xumaa loo geystay axaddii hore sii hayihii xafiiska Banaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Muqdishu. Dilalkan dhawaan dhacay, ayaa waxay tirada shaqaalaha gargaarka ee sannadkan lagu dilay soomaaliya ay ka dhigaysaa 19 qof.
"Dhab ahaatii dhacdooyinkan iyaga ah, ma ahan kuwa loo dulqaadan karo, marka la eego xad-gudubyada lagu bartilmaameeedsanayo iyo dilalka ka dhanka ah shaqaalaha hay'adaha samafalka ee ku hawllan samata-bixinta dadka tabaalaysan iyo sidii sare ugu qaadi lahayeen heer-nololeedka dhinaca bini'aadminnimada ah, isagoo goobtaas ku tilmaamay deegaanka ugu halista badan dunida guudkeeda", sida uu sheegay, Mark Bowden.
"Sidoo kale, waxaa iyaduna ah arrin si gaar ah looga walwalayo heerka guud ee ay marayaan xiisadaha colaadeed ee imminka ka dhisaalan qaybo ballaaran oo dalka Soomaaliya ka mid ah, kuwaas oo si joogto ah sannadkan gudihiisa xiisaduhu ku sii kordhayaan, iyagoo gaaray heer aan la aqbali Karin marka loo eego waxyeellada dadka rayidka ah la soo gudboonaatay", ayuu intaas raaciyey.
Dhanka kale, waxay Qaramada Midoobay si deg deg ah xoogga u saaraysaa sidii ay u xaqiijin lahayd badbaadada shaqaalaha ka hawlgalaya Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena u oggolaanaysa inay sii wadaan hawlgalladooda wax ku oolka ah ee dhinaca bini'aadminnimada ah. Waxayna tallaabooyinkani ku salaysnaan doonaan mudnaansiinta hawlagallada muhiimka ah ee ay fulinayaan.
"Habbada waxaan mar labaad anigu xoogga saarayaa, maadaama aan ku hawllan nahay samafal, inaan ku tiirsanaan doonno dadaweynaha Soomaaliyeed inay gacan nagu siiyaan dhammaan hawlahaas iyaga ah. Waxayna bulshada Soomaaliyeed mar walba ahaayeen kuwo si hagar la'aan ah noogu taageeri jiray hawlaha samafalka muddadii la soo dhaafay. Sidaas awgeed, waxaan ka codsanaynaa inay laban-labaan dadaalkooda ku wejahan sidii lagu heli lahaa jawi saamixi kara in hawlaha gargaarka iyo adeegyaduba ay gaaraan dadka tabaalaysan," sidaas ayuuna hadalkiisa ku soo gunaaday Mark Bowden.
Faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala soo xiriir:
Jens Laerke, Public Information Officer
Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UN OCHA-Somalia)
Tel: +254 (0)722 513 503
Email: [email protected]