Meydad laga helay goobihii ay shalay dagaallada ka dhaceen ee duleedka Degmada Berdaale

Cabirka Farta

Arbaco, July 16, 2008(HOL):  Duleedka Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa waxaa laga helay meydad ilaa 6 ruux gaaraya, kuwaasi oo ku geeriyooday dagaal shalay halkaas ku dhexmaray Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira  iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dadkaas meydkooda la helay ayaa waxaa ku jira Dad Rayid ah oo xoolo-dhaqato ahaa, kuwaasi oo dagaalkii shalay ku geeriyooday, waxaana lagu soo waramayaa in ay dadka ku dhaqan Degmada Berdaale ay raadinayaan meydad kale oo ay dhici karto in ay dagaalkii shalay ku geeriyoodeen.

Khasaaraha dagaalkii shalay ka soo gaaray dhinacyadii dagaallamay ayaan ilaa iyo hataan la ogeyn inta uu la egyahay, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay labada dhinac kala gurteen meydad iyo dhaawac.

Xuseen Madoobe oo ka mid ah Dadka ku dhaqan Degmada Berdaale, isla markaana u waramayay Idaacadda Horn Afrik ayaa wuxuu sheegay in daqiiqado kadib markii uu istaagay dagaalkii ka dhacay duleedka Berdaale ay gudaha Degmada mareen Ciidamo badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray, kuwaasi oo uu shegay in ay wateen in ka badan 30 gaari.

“Gaadiidka ay Ciidamada Soomaalida saarnaayeen waxaa ka babanayay Calanka Soomaaliya, waxaana horay iyo gadaal ka socday Ciidamo Itoobiyaan ah oo ilaalinayay, waxayna dhinacyada iyo bartamaha ka mareen Degmada Berdaale iyagoo u socday dhinaca Magaalada Baydhabo”ayuu yiri Xuseen Madoobe oo intaas ku daray in gaadiidka uu arkay qaarkood ay uga muuqdeen Faleebooyin ka lulanayay, taasi oo uu u qaatay in ay gaadiidka wadeen Ciidamo dagaalkii dhacay ku dhaawacmay.

Dhanka kalena, Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dagaalkaas ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in ay jab u geysteen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, dhankoodana wuxuu sheegay in uu dagaalka uga geeriyooday Nin lagu magacaabi jiray Muuse Al-Kenya oo uga yimid dalka Kenya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia