Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in uu xilka ka tegayo haddii ay taasi nabad u keeneyso Soomaaliya

Cabirka Farta

Arbaco, July 16, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya  kadib safarro uu ku soo kala bixiyay dalal badan oo ka tirsan Qaaradaha Yurub iyo Afrika ayaa wuxuu sheegay in uu xilka ka degayo haddii ay taasi ku imaaneyso nabad ay hesho Soomaaliya.

“haddii ay taasi nabad ku heleyso Soomaaliya waxaan diyaar u ahay in aan wareejiyo xilka aan hayo ee Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya,”ayuuna yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

“Xilkani waxaan u hayaa in aan dadka ugu adeego, isla markaana aanan sheegan wax awood ah, taasina waa sababta aan mar kasta ugu baaqayo dhinacyada ka soo horteeda dowladda in ay miiska wada hadalka yimaadaan”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Mar la weydiiyay in uu la hadlayo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab wuxuu sheegay in uu la hadlayo cid kasta oo saameyn ku leh Nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu dhowr jeer ugu baaqay Al-Shabaab in ay qeyb ka noqdaan nabadeynta Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu dalka Soomaaliya ku jiro marxalad kala guur ah, isla markaana uu ka guurayo 18 sano oo dagaallo iyo dhibaato ah, uuna u guurayo xili cusub oo nabad iyo kala dameyntii ay u soo noqoneyso Soomaaliya.

“Mar kasta oo nabad la raadinayo waxaa jiro dad ay nabadda dhibeyso oo aan maslaxo u arkeynin, sidaas darteed waa jirayaan dad ka hor-yimaada nabadda la raadinayo”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka jawaabayay sida uu u arkayo in ay dagaalladii soo kordheen tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay heshiiska ku kala saxiixdeen Dalka Jibouti.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo 70 sano jir ah waxaa Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya loo magacaabay bishii November ee sanadkii hore, kadibna wuxuu soo dhisay Xukuumadda tiro yar oo kala bar xubnaheeda laga keenay Baarlamaanka Soomaaliya dibaddiisa, halka Xukuumaddii ka horeysay xubnaheeda laga soo xuli jiray gudaha Baarlamaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia