Dhinacyada Isbaheysiga Dib u xoreynta oo wada hadallo ay ku lahaayeen Dalka Yemen ay rajo wanaagsan ka soo baxeyso

Cabirka Farta

Arbaco, July 16, 2008(HOL): Dhinacyada is-khilaafsan ee Isbaheysiga Dib u xoreynat Soomaaliya oo maalmahan xubno kala metelayay uu shir uga socday Dalka Yemen ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay shirkooda ka soo baxeyso rajo wanaagsan oo ah in ay ka heshiinayaan khilaafaadkii soo kala dhexgalay.
 
Shirka ay Xubnaha Isbaheysiga ku leeyihiin Dalka Yemen oo heer Maxkamadihii Islaamiga ah ayaa waxaa looga hadlay waxyaabihii keenay in ay is-khilaafaan dhinacyada Isbaheysiga, gaar ahaan garabka Maxkamadihii Islaamka, waxayna wararkii ugu dambeeyay ee laga helay dhinaca shirkaas ay sheegayaan in ay labada dhinac isu soo dhawaadeen.
 
Shiikh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah Mas’uuliyiinta dhexdhexaadinta ka dhex wadda labada dhinac oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheegay in ay labada dhinac ka heshiiyeen khilaafaadkii u dhaxeeyay, isla markaana haatan lagu howlan yahay diyaarinta qoraalladii gunaanadka shirka laga soo saari lahaa.
 
Shiikh Yuusuf waxaa uu sheegay in saacadaha soo socda la shaacin doono miro wanaagsan oo ka soo baxay shirkii ay dhinacyada Isbaheysiga ku lahaayeen dalka Yemen, inkastoo uu ka gaabsaday in uu sheego waxyaabaha ay labada dhinac ku heshiiyeen.
 
Ugu dambeyntiina, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo haatan xubnihiisa ay kala degan yihiin Magaalooyinka Asmara iyo Djibouti ayaa waxay ku kala tageen wada hadallo ay soo qaabeysay Qaramada Midoobay oo lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, waxaana shirkaas ka qeybgalay garab ka mid ah garabyada uu u kala baxay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia