Arbaco, July 16, 2008(HOL): Maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay Sedex ruux oo ka mid ah Dadka Deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ,xilli ay Magaaladaasi ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland.
Raggan ay maanta Xabsiga u taxaabeen Ciidamda Somaliland ayaa labo ka mid ah lagu kala Magacaabaa Axmed Maxamed Kaarshe iyo Maxamed Xaashi ,waxaana Raggan ay ahaayeen dad ka yimid Qurbaha, kana soo jeeda Maamulka Puntland.
Qaar ka tirsan Dadka Deegaanka Magaalada Laascaano ayaa sheegay in raggani la xiray xilli ay wateen shaqo maamlmeedkooda caadiga ah, iyadoo aysan jirin wax dambi ah oo lagu tuhmayo in ay ka galeen Maamulka Somaliland sida ay u sheegeen dadka Deegaanka Laascaanood oo la soo xiriiray Warbaahinta Bosaaso.
Lama garanayo ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xiritaanka raggaani ay xireen Ciidamada Maamulka Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Warar hoose oo aan helnay ayaa ku Waramaya in raggani laga badalay Saldhigga dhexe ee Magaaladaasi ,iyadoo loo gudbiyay Xabsi kale oo ka soo horjeeda Saldhigga Magaalada Laascaanood,waxaana cabasho ay ka soo yeeraysaa Ehellada iyo Qaraabada ragani Sedexda ah ee ay xireen Ciidamada Maamulka Somaliland.
Maamulka Somaliland oo iminka gacanta ku haya Magaalada Laascaanood ayaan ka hadlin Xarigga ay Ciidamada Somaliland u gaysteen Seddex ruux oo ka soo jeeda Maamulka Puntland ,waxayna tani qayb ka tahay Colaadda kor u sii kacaysa ee ka dhaxasysa Maamullada Somalialnd iyo Puntland .
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso ,Somalia