Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo socdaal deg deg ah ugu amba baxay Dalka Itoobiya

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

Jimco, January 04, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu socdaal deg deg ah ugu amba baxay dalka Itoobiya.

Socdaalka madaxweynaha ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in socdaalka madaxweynaha uu la xiriiro casuumaad uu ka helay madaxda dalka Itoobiya, halka warar kalena ay sheegayaan in madaxweynaha arrimo caafimaad aawadood loogu qaaday halkaas.

Laakin Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) ayaa HOL u sheegay in Madaxweynaha uu Addis Ababa u aaday howlo shaqo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay halkaas isku arkayaan Mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Addis Ababa.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya weli waxaa gacanta ku heysa oo daba-tagaan Beesha Caalamka, marka safarka uu madaxweynaha ugu amba baxay magaalada Addis Abab wuxuu la xiriiraa kulamo uu la qaadanayo madaxda Itoobiya iyo madaxda Midowga Afrika”ayuu yiri Xuseen Xuub-sireed.

Afhayeenka Madaxweynaha oo aan wax ka weydiinay waxa ka jira waraka la isla dhexmarayo ee sheegaya in madaxweynaha arrimo caafimaad dartood loogu qaaday Addis Ababa ayaa wuxuu sheegay in ay wararkaasi yihiin kuwo aan waxba ka jirin, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin sabab uu madaxweynaha arrimo caafimaad ugu tago Addis Ababa iyadoo uu dhawaan ka soo laabtay magaalada London oo uu baaris caafimaad u tegay.

Sidoo kalena, Jabriil Maxamed Shiikh oo ka tirsan Qunsuliyadda Soomaalida ee Dalka Itoobiya ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu u sheegay in madaxweynaha uu magaalada Addis Ababa u tegay wada-tashiyo uu la yeelanayo madaxda Dowladda Itoobiya, isagoo xusay in todobaad kadibna uu magaalada Addis Ababa ka dhici doono shir ay isugu imaanayaan Madaxda Midowga Afrika.

Dhanka kalena, Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Xuseen Xuub-sireed waxaa uu sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay isku khilaafeen soo xulitaanka Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna sheegay in aysan wararkaas waxba ka jirin, isla markaana sida uu u yiri ay labada mas’uul si garbo-siman wax u wada wadaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Socdaalka deg degta ah ee uu madaxweynaha ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo lagu waday in uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu ku dhawaaqo Xukuumad 18 Wasiir iyo 5 Wasiir ku xigeen ka kooban, taasi oo qaab qeybsigeeda lagu sameyn doono afar beelood iyo bar (4.5).

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia