Jimco, January 04, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Cadaado Dhimbil Muxumed Cabdi ayaa sheegay in dagaal ay dad gaaraya 10 ruux ku dhinteen oo ka dhacay degmadaas uu ahaa mid u dhaxeeyay Maleeshiyooyin deegaanka ka soo wada jeeday.
Guddoomiyaha Degmada Cadaado waxaa uu beeniyay warar ku saabsanaa in dagaalkii shalay dhacay uu u dhaxeeyay Ciidamo xiriir la lahaa Maxkamadihii Islaamka iyo kuwo taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Dagaalkii shalay dhacay waxaa uu u dhaxeeyay labo maleeshiyo oo deegaanka ka soo wada jeeda, kuwaasi oo ku murmay gacan ku heynta guriga Degmada Cadaado”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Cadaado Dhimbil Muxumed Cabdi.
Guddoomiyaha Degmada Cadaado Dhimbil Muxumed waxaa uu sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay Degmadaas uu sababay dhimashada dad 10 Ruux gaaraya oo uu ku jiray qof rayid ah iyo dhaawaca dad kale oo intaas ka badan.
Ugu Dambeyntiina, Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Degmada Cadaado ayaa waxay sheegayaan in ay Xaaladda haatan degan tahay, isla markaana ay Odayaal iyo Waxgarad deegaanka ah ay dadaal ugu jiraan sidii xal loogu heli lahaa waxyaabihii dagaalka dhaliyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia