Jimco, January 04, 2008(HOL): Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu Shahaado sharaf siiyay Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle, kaasi oo sida uu isaguba sheegay Shahaadada lagu siiyay difaac uu difaacay Dowladda Federaalka Soomaaliya xili uu dagaal u dhaxeeyay Xoogag u daacad ahaa Maxkamadihi Islaamka iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanayay Ciidamo Itoobiyaan ah.
Salaad Cali Jeelle oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in Shahaadadaas uu siiyay Guddoonka Baarlamaanka, wuxuuna caddeeyay in ay tahay mid lagu siiyay geesinimo uu muujiyay, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Mar wax laga weydiiyay Salaad Cali Jeelle sida uu u arkayo in muddo sanad ah oo ka soo wareegatay xiligii uu bilowday dagaalka dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Maxkamadihii Islaamka ay weli Dowladda ku guuleysan la’ dahay in ay sugto ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin nabadgelyo-darro baahsan, “Waxa jira waa madaafiic tuuryo ah ee ma jiro dagaal waqti dheer socon kara”ayuuna yiri Salaad Cali Jeelle.
Haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan, ka waran waxaa la leeyahay idinkuna ka hari meysaan waad raaceysaan? ayay ahayd su’aal kale oo la weydiiyay Salaad Cali Jeelle, wuxuuna su’aashaas uga jawaabay, “horta habeenki xalay ahaa oo tegay waaye in ay baxaan Ciidamada Itoobiya, waayo waxay ku yimaadeen ogolaanshaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iska daa in ay iyaga baxaane waxaa imaanaya Ciidamo ka socda Midowga Afrika, kadibna kuwo ka socda Qaramada Midoobay”.
Hadalka Salaad Cali Jeelle ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo sanad iyo maalmo ah ay ka soo wareegatay markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay tagtay magaalada Muqdisho, iyadoo mudadaas sanadka ahna ay jiraan iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxayna taasi dad badan ku abuurtay rajo-dhig ku saabsan in xal laga gaaro mushkiladda Soomaaliya, gaar ahaan tan ka taagan Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia