Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka oo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka qabtay Wariye Maxamed Shidane Dabaan oo doonayay in uu dhoofo

Jimco, January 04, 2008(HOL): Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka qabteen Wariye Maxamed Shidane Dabaan xili uu doonayay in uu halkaas ka qabto.

Wariye Nuuraddiin Macallin Mukhtaar oo markii Wariyahaas la qabanayay ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa wuxuu u sheegay Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho in Ciidamo uu horkacayay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad-sugidda oo Askar lagu magacaabo uu Garoonka ka kaxeystay Maxamed Shidane oo isu diyaarinayay in uu dalka ka dhoofo.

Wariye Maxamed Shidane Dabaan oo horay uga tirsanaa Wariyayaasha Idaacada Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe waxaa uu ka tirsanaa Waaxda Warfaafinta Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo weliba soo saari jiray Wargeys ku hadla Codka Maamulka Gobolka Banaadir.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Wariyahan la qabtay uu ku sii jeeday Magaalada Nairobi oo uu kadibna uga sii amba bixi lahaa Dalka Koofur Afrika oo uu hadda ka hor mar tegay, isla markaana uu ka soo laabtay.

Lama oga sababta ay Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya u qabteen Wariye Maxamed Shidane Dabaan, iyadoo weliba la xusuusan yahay in uu ka tirsanaa Waaxda Warfaafinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia