Jimco, January 04, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay iska hor-imaadyo hubeysan oo dhexmaray ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan qeybo ka mid Wadada Wadnaha iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Fariisin ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Isgoyska Aadan Cadde iyo agagaarka Hotelkii Daameey ayaa waxaa xalay lagu qaaday weerar xooggan oo loo adeegesaday hubka fudud iyo midka culus, iyadoo sidoo kale ay Ciidamada Dowladda ee la weeraray ay iyana adeegsadeen hub culus.
Ilaa iyo haatan lama oga khasaare uu geystay Iska hor-imaadkaas oo dhacay xalay abaara 2-dii Habeennimo waxaana taasi u sabab ah iyadoo xiliga uu dagaalka dhacay uu habeen ahaa, sidoo kalena ay dadkii deganaa mar hore ka carareen xaafadaha u dhow halka uu iska hor-imaadka ka dhacay.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac ayaa sheegay in Ciidamo ku sugan Isgoyska Aadan Cadde iyo nawaaxigiisa xalay labo jeer weerar lagu qaaday, hayeeshee ay Ciidamadii la soo weeraray iska caabiyeen.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa marka habeenkii la gaaro waxaa ka dhaca dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, inkastoo dagaallada dhexmara ay yihiin kuwo aan waqti dheer socon oo dhaqsiba istaaga.
Muddo sanad ah ayay sii caga-cageyneysaa nabadgelyo-darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo wixii waqtgaas ka horeeyayna ay Dadka Muqdisho heysteen Nabadgelyo lix bilood jirsatay oo ay dhaliyeen Maxkamadihii Islaamka ee laga itaalka roonaaday dhamaadka sanadkii hore.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia