Jimco, 4, Jan. 2008 (HOL) Degmada Cadaado ee Gobalka Gal-gaduud ayaa wararka laga helayo waxaa ay sheegayaan in ay degan tahay kadib dagaal maalintii shalay ahayd ku dhaxmaray gudaha degmada labo maleeshiyo oo deegaan ka soo wada jeeda, kuwaasi oo mid ka mid ah la sheegay in ay diidan tahay jid-gooyo ay dhigatay maleeshiyada kale ee ay dagaalameen.
Waxaa dib u furmay goobihii ganacsiga ee ku xirmay dagaalkii shalay iyada oo dhanka kalana ay caadi u bilaabeen dhaqdhaqaaqyadii gadiidka isaga gudba Gobalada dhaxe oo maalintii shalay ahayd wax xoogaa hakad galay.
Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Degmada Cadaado ayaa waxay ku howlan yihiin sidii xal loogu heli lahaa waxyaabihi dhaliyay dagaalkii shalay ka dhacay Degmadaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadaaladaas xal-doonka ah wada Imaam Shiikh Cumar Macallin.
Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa qeybo ka mid ah gobalada dhaxe waxaa ka soo ifbaxay Kooxo abaabulan oo mar marka qaar weerar ku qaada meelaha Maleeshiyadu dhigtaan Jidgooyada iyo waliba baraha Koontarool ee Ciidamada Dowladda Federaalka ku qaadaan Cashuurta sidii kol horeba ka dhacday Deegaanka Kala-beyr oo lagu dilay mid ka mid ah Ciidamada Dowlada Federaalka oo xiligaa ku sugnaa bar-kootarool oo fariisin u ahaa Ciidamada Dowlada.
Ilaa hadda lama ogo cidda ay dhab ahaan ka tirsan yihiin kooxaha ka soo if-baxay Goballada bartamaha Soomaaliya, laakiin waxaa xusid mudan in dhowr jeer oo hore hadallo qalabka warbaahinta ay ka sii daayeen Mas'uuliyiinta Maamullada Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud ay ku sheegeen in kooxahaasi yihiin kuwo gacan saar la leh Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee laga awooda roonaaday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia