Jimco, January 04, 2008(HOL): Saraakiil ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa shalay waxay amar ku siiyeen ganacsato mehrado ganacsi ka sameystay hareeraha Wadada Laamiga ah ee dhexmarta deegaanka Ceelasha Biyaha in ay halkaas muddo 24 saac ah uga guuraan.
Qaar ka mid ah ganacsatada halkaas ku ganacsada ayaa waxay sheegeen in Saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo watay gaadiid dagaal oo cod baahiyayaal ku rakiban yihiin ay shalay u yimaadeen, isla markaana ay u sheegeen in ay si dhaqsi uga guuraan hareeraha Wadada Deegaanka Ceelasha Biyaha.
Saraakiisha amarkaas bixisay oo uu ka mid yahay Cali Aadan Cali (Cali Ganey) ayaa waxay sheegeen in sababta ay amarkaas ugu soo rogeen ay tahay in dhibaato laga mutay marista Wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan inta ku aadan Ceelasha Biyaha oo haatan ay deegaano iyo goobo ganacsi ka sameysteen Dad badan oo Muqdisho ka barakacay.
Sarkaalkan wuxuu intaas ku daray in sidoo kale ay dhowr jeer ka dhaceen qaraxyo qaarkood lala beegsaday gaadiid galbinayay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna wuxuu hoosta ka xariiqay in la go’aamiyay in la baneeyo hareeraha Wadadaas.
Deegaanka Ceelasha biyaha oo ka hor intii aan loo barakicin ahaa mid cidlo ah oo dadka degan ay aad u yar yihiin ayaa haatan wuxuu noqday mid aad u camiran oo ay ku nool yihiin dad aad u badan, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu ka sameysmay ganacsi aan ka liidan midka ka socda Suuqyada Muqdisho, sidoo kalena ay dadka halkaas u barakacay ay ka dhisteen guryo, walow ay guryahaas yihiin kuwo KMG ah oo aan rasmi ahayn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia