Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali
Axad, January 27, 2008(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddiisii dib u helay Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo in muddo ah u xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar aynu ka helnay dad ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxay sheegayaan in Axmed Diiriye Cali oo dhowr bilood u xirnaa Dowladda Federaalka ugu dambeyntii maanta la sii daayay, iyadoo sii deyntiisana la sheegay in ay dadaal weyn u galeen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada.
Intii uu xirnaa Axmed Diiriye Cali ayaa waxaa soo baxay warar sheegayay in Axmed Diiriye lagu dilay gudaha dalka Itoobiya, iyadoo warkaasina uu si weyn walaaciyay dad badan oo isugu jiray Ehellada iyo Qoyska Axmed Diiriye, kuwaasi oo ka codsaday mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka in ay meel ku sheegaan nolol iyo geeri Axmed Diiriye Cali iyo Shiikh Axmed Cali Gees oo lala xiray.
Saaka ayay ahayd markii iyana la sii daayay Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere), , Jimcaale Maxamuud Nuur oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Xasan Raage oo isna ka tirsan Guddiga Fulinta Golahaas iyo Wiil uu dhalay Axmed Diiriye Cali oo lagu magacaabo C/nuur Axmed Diiriye, kuwaasi oo ku xirnaa Xabsiga Baarista Xisbiga.
Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Dheere ayaa sheegay in intii uu ku jiray Xabsiga Baarista Xisbiga si wanaagsan loola dhaqmay, inkastoo ay ka maqneyd xoriyaddiisii aas-aasiga ahayd.
C/llaahi Dheere waxaa uu sheegay in markii xabsiga laga sii daayay ay la kulmeen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, kaasi oo u sheegay in ay soo nastaan kadibna ay kulamo isugu yimaadaan.
Xubnahan ka tirsanaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ee la sii daayay ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka Muqdisho oo ku tilmaamay in tallaabada lagu sii daayay mid loo qaaday dhinaca wada hadallada iyo dib u heshiisiinta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia