Axad, January 27, 2008(HOL): Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah la dejiyay xerooyin ku yaala bartamaha iyo daafaha Muqdisho ayaa waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii yaraanaya Waddooyinka ay Dadka iyo Gaadiidka isticmaalaan, haba ugu badnaadaanee Gaadiidka.
Waddooyin mashquul ahaan jiray oo ay dadka iyo gaadiidka isticmaali jireen sida Waddooyinka Warshadaha, 30-ka iyo qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ayaa haatan waxay yihiin kuwo haawanaya oo gaadiid iska daaye aaney xitaa dadka mari karin, waxaana taasi ugu wacan iyagoo noqday Aag ciidan oo mar kastana ay ka dhacaan iska hor-imaadyo.
Haatan waxay inta badan Gaadiidka isticmaalaan Waddooyin isku soo noq-noqonaya oo magaalada gudaheeda ah, sida Wadada ka tagta Fiat ee ka tagta KM4, Wadada ka tagta Isgoyska Howl-Wadaag ee Sayidka tagta, kadibna ku darsanta Wadada Makka Al-Mukarrama, Wadada ka tagta Dekedda Muqdisho ee tagta KM4 iyo waddooyin kale, waxayna taasi dad badan ku kaliftay in ay lugeeyaan bacdamaa aaney gaadiid ka shaqeeyaa jirin xaafadahooda oo ku yaala Degmooyinka Hodan, Yaaqshiid, Dayniile, Qeybo ka mid ah Wardhiigley iyo Huriwaa.
Waxaa jiro Waddooyin muhiim u ah isu socodka Muqdisho sida Wadada Wadnaha oo ka xiran inta u dhaxeysa Geed Jaceyl ilaa Howl-Wadaag, mar kalena ka xiran Isgoyska Bakaaraha ilaa Tareebuunka, waxaana Wadadaas ku sugan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan la ogeyn ujeedada halkaas loo dhigay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xirnaashaha Waddooyinkaas muhiimka u ah isu socodka Muqdisho waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo weliba Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii ay u cabteen dadka iyo Gaadiidleyda Muqdisho sheegay in aaney Waddooyinkaas u xirneyn, isla markaana ay furan yihiin, Dadka iyo Gaadiidkana ay isticmaali karaan, hayeeshee weli waddooyinkii waa xiran yihiin mana jiro ficil daba socda warka ay mas’uuliyiintaas bixiyeen oo ah inay Waddooyinka furan yihiin, lana mari karo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia