Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Baydhabo ku laabtay, halkaasna kula kulmay Wafdi ka socday Beesha Caalamka

Axad, January 27, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo weli fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa markii uu gaaray magaalada Baydhabo waxaa uu halkaasi kula kulmay Wafdi ka socday Beesha Caalamka, gaar ahaan wakiillo ka socday UN-ka iyo Midowga Yurub oo tiradooda dhameyd 20 Xubnood.

Kulanka dhexmaray Ra’iisal Wasaaraha iyo Wafdiga ka socday beesha Caalamka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ayaa waxay labada dhinac iskula soo qaadeen sidii deeq bixiyayaasha Caalamka ay gacan u siin lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kalena gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku sugan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Ma ahan wafdigii ugu horeeyay oo Baydhabo u taga sidii uu ula kulmi lahaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhawaan ayayna markii wafdi ka socday Midowga Yurub oo Baydhabo booqday uu ballanqaaday in uu mushaarooyin siin doono bil kasta 275-ka Mudane ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo mudanaha mushaarka qaadanaya lagu xiray shuruud ah in uusan ka baaqan fadhiyada Baarlamaanka.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa intii uusan saaka ka amba bixin magaalada Muqdisho waxaa uu xabsigii ay ku jireen ka sii daayeen seddex xubnood oo ka tirsanaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Wiil uu dhalay Afhayeenka Dhaqanka Golahaas Axmed Diiriye oo lagu magacaabo C/nuur Axmed Diiriye, iyadoo sii deynta xubnahaasna ay si weyn u soo dhaweeyay dad badan oo  ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sheegay in tallaabada lagu sii daayay ay tahay mid fure u ah dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia