Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qiimeyn ku sameeyay farqiga u dhaxeeya qiimaha raashinka Quutul Daruuriga ah laga soo bilaabo Janaayo 2007 ilaa Janaayo 2008

Axad, January 27, 2008(HOL): Dr. Cumar Colaad oo ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee aan weli ka bixin caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana la socda dhibaatooyinka Nololeed iyo kuwa Nabadgelyo ee la soo dersa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

 

Dr. Cumar Colaad oo ka qeybgelayay Dood ku saabsaneyd sicir bararka ka taagan Dalka Soomaaliya iyo wixii keenay taasi oo ay qaban qaabisay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in saldhigasho la’aanta sicirka raashinka iyo weliba safirka lacagaha qalaad ay yimaadeen markii ay dalka soo galeen makiinado lagu daabaco lacagta shillin Soomaaliga, kadibna si qorshe la’aan ah suuqyada dalka loo geliyay.

 

Dr. Cumar Colaad waxaa uu sheegay in muddo sanad ah uu cirka isku sii shareerayo qiimaha raashinka quutul-daruuriga ah ee ay dadka u baahan yihiin, kaasi oo ay ganacsatada ka baayac mushtarta ku jaan-gooyaan sarifka doollarka oo haatan qudhiisa sare u sii kacaya.

 

Haddaba aan eegno is-bar bar dhigga uu  Dr. Cumar Colaad ku sameeyay farqiga u dhaxeeyay qiimaha la kala siisto raashinka quutul-daruuriga ah muddo sanad ah laga soo bilaabo Janaayo 2007 ilaa Janaayo 2008

 

JANAAYO 2007

Qiimaha uu joogay

JANAAYO 2008

Qiimaha uu joogo

Loor Sokor ah

200,000

Loor Sokor ah

650,000

Loor Bur ah

200,000

Loor Bur ah

650,000

Loor Bariis ah

250,000

Loor Bariis ah

700,000

Kartoon Baasto ah

070,000

Kartoon Baasto ah

240,000

Saliid Cad 10 Ltr

300,000

Saliid Cad 10 Ltr

540,000

Gasac Caano ah (2.500kg)

200,000

Gasac Caano ah (2.500kg)

440,000

 

Intaas marka laga soo tago qiimaha sarifka Doollarka ayuu sheegay Dr. Cumar Colaad inuu marayo heerkii ugu sareeyay oo ah 2.275,000 Sh. So, iyadoo bishii Janaayo 2007 uu qiimahiisa intan ka hooseeyay. Qiimo kororka ku yimid Qiimaha sarifka Doollarka ayaa qudhiisa wuxuu salka ku hayaa lacagta shillin Soomaaliga ah ee lagu sameeyo gudaha Soomaaliya, taasi oo ay dadka si weyn uga cabanayaan, gaar ahaan kuwa danta yar ee nolol maalmeedka la dagaalama.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, sicir bararka ka taagan Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dad badan oo ku noolaa hooska guryahooda xitaa haddii aysan helin wax ay cunaan ay haatan daadsan yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyagoo weliba ku nool heer ka sii hooseeya saboolnimo, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkaasi ay u badan yihiin Dumar, Caruur iyo Dad Waayeello ah oo la ogyahay in ay yihiin kuwa bulshada ugu nugul oo aan duruufaha ah u adkeysan karin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia