Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku lahaa Deegaanka Janta-Kuundihso ee Mag.Beledweyne oo xalay halkaas ka guuray

Axad, 27 January 2008 (HOL): Ciidamadii Dowlada Itoobiya ee Fariisinka ku lahaa Duleedka Magaalada Beledweyne gaar ahaan Deegaanka Jante-guudisho ayaa habeenimadii Xalay Intooda badneyd u dhaqaaqay dhinaca Xadka Gobalku la wadaago dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.
 
Sida ay sheegeen Qaar ka mid ah Gadiidleyda ku safarta watada isku xirta Gobalada dhexe Ciidamada oo watay Gawaarida  loo yaqaan (Uralka) ayaa la arkayay iyaga oo ka sii leexanaya Watada Kala-beyrka kuna sii jeeda dhinaca Deegaanka Feer-feer ee dalka Itoobiya.
 
Lama Oga in Ciidamadu ka wadda dhaqaaqeen fariisinkii ay ku lahaayeen Magaalada Beledweyne iyo in kale Balse warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in uu jiro Is-badal dhinaca Ciidamada ah oo ka jira Gobalada dhexe kaasoo laga yaabo in uu saameyn ku yeeshay Ciidamada habeenimadii xalay baxay.
 
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka oo ku saabsan Ciidamada la sheegay in ay ka guureen Deegaanka Jante-guudisho ee Magaalada Beledweyne.
 
24-bishan aynu ku jirno ayeey aheyd markii Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne Dagaal qaraar la galeen Kooxo la sheegay in ay ka tirsanaayeen dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ee ku suga Gobalada dhexe inkastoo Maamulka Gobalka Hiiraan ku tilmaamay Dagaalkaa in uu ahaa mid ah  laga soo abaabulay Gobalka Gal-gaduud oo aysan wax shaqo ah ku laheyn Kooxaha Al-shabaab.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia