Axad, 27 January 2008 (HOL)- Dadweyne aad u tiro badan oo isugu jiray Madax dawladeed, Siyaasiyiin, aqoonyahanno, Madax dhaqameed, Madaxda Axsaabta Siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa shalay kaga qayb galay Magaalada Boorama Jinaasaddii Aaska Marxuum Xasan Sh. Muumin Maxamed oo ka mid ahaa abwaanada ugu caansan Mandaqadda Soomaalida oo toddobaadkii hore ku geeriyooday Magaalada Oslo ee dalka Norway, Maydkiisana ay Dawladda Jabuuti Diyaarad khaas ah ku keentay Magaalada Borama.

Meydka Marxuumka oo Salaadda Janaasada lagu Tukanayo
Munaasibadda Aaska, ayaa dadkii ka qayb galay waxa ka mid ahaa, ilaa tobbaneeyo Wasiir oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, Xildhibaano Golayaasha Barlamanka ka tirsan iyo dadweyne aad u tiro badan oo isaga yimi Magaalooyin kala duwan.
Sidoo kale diyaarad khaas ah oo ay Dawladda Jabuuti soo saartay, isla markaana wadday Maydka Marxuumka, ayaa iyana saarnaa oo la socday qaar ka mid ah Awlaadda Marxuumka iyo sidoo kale La-taliyaha xagga dhaqanka iyo Suugaanta Madaxweyna Jamhuuriyadda Jabuuti, Md. Xaashi Cabdilaahi Qodax, oo isna munaasibaddii aaska ka hadlay taariikhda Marxuum iyo kaalintii uu kaga jiray Bulshada afka Soomaaliga ku hadasha. Waxaana in badan oo ka mid ah Masuuliyiintii iyo Madaxdii ka soo qayb gashay Aaska Marxuumka, ay aad ugu dheeraadeen sooyaalkii taariikheed ee Marxuumka iyo kaalinta uu banneeyay. Iyaga oo ilaahay uga baryay inuu jannadii ka waraabiyo, dhammaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
“Allaha u naxariistee Xasan Sh. Muumin wuxuu ahaa nin Abwaanada Soomaaliyeed ka geddisan, Suugaantiisuna ka geddisan tahay. Nin illaahay uu ku shubay xigmad ayuu ahaa, isla markaana dhaxal wayn ka tagay, waxaan ka xasuustaa Riwaayadihiisii Gaaraa-bidhaan iyo Shabeel Naagood, oo Shabeel Naagood Ingiriisi lagu turjumay, oo Sheakespeare kooxiisu metashay.” sidaas ayuu yiri Xaashi Cabdilaahi Qodax.

Dadkii isugu yimid aaska marxuumka
Munaasibadda Aaska oo aan aniga iyo koox kale oo Suxufiyiin ah oo ka kicitimay Magaalada Hargeysa, aanu shalay ka qayb galay, ayaa waxay u muuqatay mid si aad ah loo soo agaasimay, iyada oo maalmahan u dambeeyay ay qaban-qaabo ugu jireen guddiyo loo saaray aaska Marxuumku, oo ka kooban Dawladda.
Waxa jiray warar soo baxayay labadii maalmood ee u dambeeyay, oo sheegayay in Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin uu ka qayb gelayo Aaska Marxuum Xasan Sh. Muumin, hase ahaatee Madaxweynaha ayaan shalay iman Munaasibadda aaska, waxase afkiisa ku hadlay oo goob joog ahaa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, oo hormood u ahaa guddigii qabanqaabada aaska Marxuumka, isla markaana Maydka kala wareegay Masuuliyintii Maydka ka keentay dalka Jabuuti.
Allaha u naxariistee, Marxuum Xasan Sh. Muumin, oo guursaday ilaa 6 jeer, ayaa Carruurta uu dhalay iyo waxay sii dhaleen waxay gaadhayaan ilaa 70 qof. Waxaanu marxuumku dhashay sanadkii Bishii December 1931-kii, Magaalada Saylac ee gobolka Awdal.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Boorama, Somaliland.