Axad, January 27, 2008(HOL): Waxaa xoriyaddoodii dib u helay oo la sii daayay qaar ka mid ah Odayaashii Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ee u xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib muddo bilooyin ah oo ay xabsi ku jireen.
Xubnaha la sii daayay oo uu ku jiro Afhayeenka siyaasadda golahaas C/llaahi Dheere ayaa waxaa la sheegay in uu sii deyntooda ka dambeeyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), kaasi oo maxaabiista loo geeyay kadib markii laga sii daayay xabsigii ay ku jireen.
Xubnahan la sii daayay ayaa waxaanan ku jirin Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali, kaasi oo la sheegay in isna la sii deyn doono waqtiyada soo socda. Axmed Diiriye ayaa intii uusan soo bixin warkan ku saabsan sii deyntiisa waxaa la hadal hayay in la dilay, hayeeshee waxaa muuqaneysa in uu nool yahay oo weliba la qorsheynayo in la sii daayo.
Sii deynta xubnahan waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin isagoo tallaabada uu qaaday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ee Raggan lagu sii daayayna ku tilmaamay mid fure u ah dib u heshiisiinta Soomaalida.
“Ra’iisal Wasaaraha wuxuu la yimid qaab lagula shaqeyn karo oo xal loogu heli karo mushkiladda Soomaaliya, waxaana rajeyneynaa in aan ka wada shaqeyn doonno sidii Umadda Soomaaliyeed dhibka looga saari lahaa”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in maanta ay u tahay maalin uga bedelan maalmihii la soo dhaafay, isagoo weliba caddeeyay in uu joogo magaalada Muqdisho oo uusan meelna uga bixin intii la qab-qabanayay saaxibadiisa qaarkood maanta la sii daayay.
Maxamed Xasan Xaad oo sii hadlayay waxaa uu dhanka kale sheegay in uusan waxba iska bedelin mowqifkoodii ahaa in dalka ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in marka ay Itoobiyaanku baxaan ay dadka Soomaaliyeed wada hadli karaan, isla markaana ay aayahooda ka tashan karaan.
Ugu dambeyntiina, Maxamed Xasan Xaad waxaa uu shacabka Soomaaliyeed Allaah uga baryay in uu dhibaatada ka dul qaado, isagoo shacabkana ugu baaqay in ay dhibaatooyinka ku samraan xiisaddana ay dejiyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia