Dad Soomaali ah oo ka cararay dhibaatooyin ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi oo isugu tegay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Arbaco, January 02, 2008(HOL): Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maalmaha aad u buux-dhaafiyay Dad Soomaali ah oo isugu jiray kuwo ka cararay dhibaatooyinka Muqdisho iyo kuwo kale oo ka soo cararay dhibaatooyinka beryahan ka taagan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Dad tiro badan oo gaadiid ka raacay Magaalada Muqdisho si ay dhinaca dhulka uga galaan dalka Kenya ayaa haatan waxay ku sugan yihiin magaalada Dhoobley, waxaana saameyn ku yeeshay rabshadaha ay dadka badan ku dhinteen ee ka taagan magaalada Nairobi, iyadoo mar ay isku dayeen in ay gudaha u galaan dalka Kenya-na ay soo celiyeen Ciidamada Kenya ee jooga xadka labada dal kala qeybiya.

Dad kale oo Soomaali ah oo ay weliba la socdaan dad aan Soomaali ahayn oo Kenya u dhashay  balse naf la caari ah ayaa iyana waxay ka soo tallaabeen xadka Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo naftooda ku aamini waayay guryo ay Magaalada Nairobi ka deganaayeen.

Dadkani Kenya ka soo cararin oo ay soo daayeen Ciidamada Kenya ee xadka jooga ayaa waxay ka baqeen in ay saameyn ku yeeshaan rabshadaha ka taagan dalka Kenya ee ka dhashay doorashooyinkii dhawaan dalkaas ka dhacay ee la sheegay in uu ku guuleystay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki.

Dad ka badan 250 Ruux ayaa waxay ku dhinteen rabshado ka dhacay Magaalooyinka Kisumu, Eldoret, Mombasa iyo Nairobi, kuwaasi oo dhexmaray taageerayaasha tartamayaashii xilka madaxweynenimada ee ah kala ah Mwai Kibaki, Raila Odinga iyo Kolonzo Muzyoka, ilaa haatanna waxaa laga cabsi qabaa inay rabshadaha sii saa’idaan, isla markaana ay dhintaan dad kale oo aad u badan.

Xisbiyada Mucaaradka ee ku doodaya in doorashada looga shubtay ayaa waxay qabaan in uu is-casilo madaxweynaha Kenya, kadibna la isugu yimaado wada hadallo lagu xalilayo mushkiladda uu cagaha la galay dalka Kenya oo haatan haya xilka guddoomiyenimada kaltanka ah ee Urur Goboleedka  IGAD, kaasi oo looga fadhiyay inuu dhexdhexaadiyo mushkiladaha ka taagan dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Ugu dambeyntiina, si xal loogu helo mushkiladda Kenya waxaa socda dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in dhinacyada isku haya aayo-ka-talinta dalka Kenya ay la yimaadaan jawi ka duwan midka ay haatan ku horkacayaan taageerayaashooda is-leynaya, waxaana magaalada Nairobi arrintaas darteed u tegay madaxweynaha Ghana John Kofour oo isagu haatan ah Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia