Arbaco, January 02, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ahayd mid ka degan habeennadii la soo dhaafay oo ay dagaallo jireen, inkastoo uu jiray weerar lagu qaaday Saldhigga Booliska Degmada Huriwaa.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in weerar loo adeegsaday bambooyinka gacan laga tuuro ay ku qaadeen Saldhigga Booliska Degmada Huriwaa, waxaana la sheegay in kooxihii weerarka qaaday iyo ciidamadii saldhiggaas joogay uu dhexmaray iska hor-imaad waqti kooban socday.
Dadka ku dhaqan degmada Huriwaa ayaa xalay iyo saaka waxay xaaladdooda tahay mid kacsan, waxayna ka baqayaan in ay mar kale xaafadahooda noqdaan kuwo ay ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo is-kaashanaya iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in iska hor-imaadkii xalay uu ku soo beegmay iyadoo muddo todobaadyo ah uusan degmadaas ka dhicin wax iska hor-imaad ah.
Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku lahaa Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ayaa xalay halkaas isaga baxay, iyadoo meelaha ay Ciidamada ka baxeen ay ka mid yihiin Xaafadaha Kaasabolbollaare iyo African Village oo dadkii ku noolaa ay horay uga carareen kadib markii ay halkaas dagaallo xooggan ka dhaceen.
Dad yar oo Xaafaddaas ku harsanaa ayaa si weyn u soo dhaweeyay ka bixitaanka ay Ciidamada halkaas ka baxeen, waxayna qaarkood oo aan saaka la xiriirnay ay noo sheegeen in ay aad u faraxsan yihiin, isla markaana ay xiriir la sameyn doonaan qoysaskii halkaas ka barakacay oo haatan ku sugan Deegaanka Ceelasha Biyaha.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho labadii habeen ee xalay ka horeeyay waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo inta badan ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan, iyadoo madaafiic dagaalladaas la isugu adeegsaday oo ka ambaday jihadii loo rabayna ay baabi’iyeen qoysas ku noolaa xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid, waxaana ugu daran Qoys 7 Ruux ka koobnaa oo uu Aabihii kaliya ka soo haray kadib markii uu madfac ku habsaday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia