Diyaarad nooca wax basaasta ah oo ku soo dhacay Degmada Laas-Qoray ee Gobolka Sanaag

Arbaco, January 02, 2008(HOL): Degmada Laas-Qoray ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ku soo dhacday Diyaarad nooca wax basaasta ah, taasi oo la sheegay in ay ahayd mid uusan saarneyn wax duuliye ah, isla markaana la hagayay.

Diyaaraddan oo ah mid yar oo dhererkeedu dhan yahay hal mitir ayaa markii ay soo dhacday waxaa arkay dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan deegaan dhanka galbeed 20km kaga toosan Degmada Laas-Qoray, kuwaasi oo odayaasha iyo maamulka Degmada Laas-Qoray ku soo wargeliyay diyaaradda soo dhacday ee ay arkeen.

Dadka ku nool nawaaxiga halka ay diyaaraddan ku soo dhacday ayaa waxay sheegeen in ay halkaas waqti yar kadib yimaadeen diyaarado Helicopters ah oo ka soo duulay maraakiib taala Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo loo maleeyay in ay diyaaradda ka furteen qalab ku xirnaa.

Waa markii ugu horeysay oo ay deegaankaas ku soo dhacdo diyaarad nooca wax basaasto ah ee kaligeed hawada loo diro, waxayna diyaaraddani si weyn u walaac gelisay dadka ku dhaqan Degmada Laas-Qoray ee Gobolka Sanaag.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxay hawada Soomaaliya noqotay mid cid kasta u furan oo amar la’aan isaga soo gasha, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aaney jirin dowlad awood u leh in ay koontaroosho oo ilaaliso gaadiidka dhinaca Cirka ka soo gelaya Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia