Arbaco, January 02, 2008(HOL): Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland Xuseen Xasan Guuleed (Xuseen Kiiniyaati), ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayay. Isla markaana uu M/weyne Rayaale ka diiday istiqaaladdiisii.
Inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo ka soo baxay is-casilaaddiisaa, haddana sida uu qoray Wargeyska Geeska Afrika, ilo xog-ogaal ah ayaa tibaaxay in uu Mr. Xuseen u gudbiyay M/weynaha Somaliland istiqaalad ku aaddan inuu xilkii uu hayay iska casilay, balse uu M/weynuhu ka diiday, isla markaana siiyay fasax dhan muddo bil ah, si uu uga soo fikiro inuu ku adkaysanayo go’aankiisaa iyo in kale. Waxaana la sheegay inuu Taliyaha Sirdoonka Qaranku xilkii uu hayay ku sii wareejiyay ku-xigeenkiisii Mr. Maxamed Nuur.
Sidoo kale, inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay is-casilaadda Taliyaha Sirdoonka Qaranka, haddana waxa jira warar kala duwan oo ka soo baxaya is casilaadiisa. Wararka qaar waxay sheegayaan in taliyuhu saluugay Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyaddu u qoondaysay hay’adiisa. Warar kalena waxa ay sheegayaan inuu jiro is-faham la’aan soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Rayaale. Kaas oo aan la ogayn arrimaha uu salka ku hayo. Xuseen Xasan Guuleed, oo xilkan hayay muddo dhawr sanno ah, waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadka ay Madaxweyne Rayaale aadka isugu dhow yihiin.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland