Arbaco, January 02, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo dhawaan la filayo inuu u socdaalo dalka Maraykanka, ayaa soo saaray go’aan ku saabsan dhaqan gelinta Xeerka ka hor tagga ku tagri-falka Hantida Qaranka iyo la-dagaallanka Musuq-maasuqa.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada Somaliland, wuxuu M/weynuhu go’aankiisaa ku ogolaaday dhaqan galka Xeerkan. Warsaxaafadeedkaas, ayaa waxa uu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta Soo Saaray go’aan ku saabsan dhaqan gelinta Xeerka Ka Hortaga Ku Tagri Falida Hantida Qaranka iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa .
Madaxweynuhu isaga oo tix gelinaya Ogolaanshihii Golaha Wasiirada iyo Go’aankii Golaha Wakiilada Somaliland ee ku salaysnaa go’aankaasi oo ay hore u ansixiyeen, waxa uu go’aansaday in uu dhaqan galo Xeerka Lambarkiisu yahay 302/2007 oo la xidhiidha Ka Hortaga Ku tagri falida Hantida Qaranka iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa , xeerkaasi oo waafaqsan qodobka 75-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Sidaa daraadeed, ay lagama maarmaan tahay in go’aankaasi uu si rasmi ah u dhaqan galo, loona faafiyo”
Dhinaca kale, Madaxweyne Rayaale waxa uu munaasibadda Sanadka cusub ee 2008 awgeed, hambalyo u diray guud ahaan Umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland