Arbaco, January 02, 2008(HOL): Marka la eego Xaalada dadka ka soo Barakacay Xiisadaha colaadeed ee ka taagaan Caasimada Muqdisho ee soo gaaray Gobalada Bartamaha Soomaaliya waa mid ah xiligan mareysa meesheedii ugu xumeyd gaar ahaan daruufaha nolaleed ee dadkaasi ay kala kulmeen goobihii ay ku barkaceen.
Qoysas kooban oo markoodii hore soo bartilmaameeed saday dad ay ehel ahaayeen oo ku nool qeybo ka mid ah Gobalada Dhexe ee Soomaaliya marka laga soo tago, ayaa waxaa jira in badan oo ka mid ah Qoysaska soo barakacay in hadda ay ka taagan yihiin quus sidii ay u maareyn la haayeen Nolashooda caadiga ah.
Gobalka Gal-gaduud oo ah Gobalka ugu badan ee dadka ka soo barakacay Caasimada Muqdisho gaareen ayaa laga soo sheegayaa in ay tagaan tahay biyo la'aan daran oo saameysan in badan oo ka mid ah dadka ku dhaqan Gobalkaasi, waxaana ugu daran ayaa la leeyaha kuwa soo barakacay oo aan iyagu xitaa aqoon badan u laheyn hab dhaqanka iyo sida xiligan oo kale looga samata baxo dhibaataayinka Biyo la'aantu ka mid ah tahay.
Degmada Cadaado oo ka tirsan Gobalka Gal-gaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa maamulka ka jira waxaa uu dhawaan ku dhawaaqay in nolasha Caruur badan oo ka mid ah Qoysaskii ka soo baxsaday dirirta Caasimada Muqdisho hadda yihiin kuwo qarka u saaran dhimasho, waxaana uu maamulku farta ku fiiqay in arita ugu daran tahay Biyo la'aanta heysta dadka soo barakacay haba ugu darnaadaan Caruurta oo maalintii oo dhan oo hoos fadhiya guryo cooshado ka sameysan oo aan awood badan u laheyn in ay ka dafaacaan kuleylka daran ee ka jira Gobalka, waxaan dhawaan ku geeriyooday qaar ka mid ah xerooyinka ay ku jiraan dadka soo barakacay ee degmada Cadaado ilaa 5 caruur ah oo uu soo ritay cudurka shub Biyoodka.
Waalindiinta iyo caruurta Qoysaska soo barakacay ayaa iyaga oo is biirsanaya maalintii oo dhan Saf ugu jira mid ka mid ah ceelasha biyaha ee ku yaalah daafaha Degmada Cadaado kaasoo dadka laga iibyo waxaana ay intaasi meesha ka saarysa in qoysaska dadka soo barkacay helaan biyo ku filan maadama aysan heysan lagac ay ku iibsadaan.
Ilaa hadda mijiro wax gar gaar ah oo soo gaaray dadkaasi marka laga soo tago daba rucaad ay u samaayeen dadka deegaanka oo laftirkooda aan wax badan dhaamin kuwa soo barakacay marka la eego daruufaha nolasha ee ka jira deegaanka ay ku wada nool yihiin.
Sidoo kale meelaha ugu daran ee dadka soo barakacay ku dhibaateysan yihiin waxaa ka mid ah Gobalka Hiiraan gaar ahaan Xerada lagu Magacaabo (Nasiib) oo dhawaan qaar ka mid ah Caruurta dadka soo barakacay ee ku jira 3 ka mid ah u geeriyoodeen Nafaqadaro ka dhalatay xalaada nolaleed ee la soo daristay.
Magaalo Tuurey oo ka mid ah Ururada Haweenka Gobalka Hiiraan isla markaana si ku-meel gaar ah gacanta ugu heysa Xeradaasi ayaa sheegtay in maalinkasta ay jiraan caruur Nafaqadaradu soo ridaneyso, waayo ma'heystaan wax ay ku noolaadaan ayeey sheegtay Magaalo oo ku eedeysay hey'adaha samafalka in ay dhagaha ka fureysteen baaqyo badan oo loo jeediyay.
Isla Gobalka Hiiraan Degmada Jalalaqsi oo ka mid ah degmooyinka Gobalka ee dadka soo barakacay gaareen ayaa laga soo sheegayaan dhibaato dhinaca caafimaadka ah gaar ahaa cudurka shubanka oo hadda la soo darsay in badan oo ka mid ah caruura Qoysaska soo barkacay,
C/risaaq Doollar oo ka mid ah dadka Degmada Jalalaqsi islamarkaana si gaar ah ula socda xaalada dadka soo barakacay ayaa sheegay HOL in Todobaadkii aynu soo ina dhaafay Degmadaasi ku geeriyoodeen ilaa 2 Caruur ah oo ka mid ah Qoyasaska ka soo barkacay Caasimada Muqdisho kuwaasoo xitaa geeridooda mar danbe laga war helay kadib markaa ay Qoyasasku iska aaseen, waxaana uu intaa ku daray in dadka Soo barakacay ee ku sugan Degmada Jalalaqsi u badan yihiin Caruur iyo dad waayeel ah oo aan xitaa awoodin in ay xoogsi tagaan.
Marka laysku geeyo dhimashada Caruurta dadka soo barkacay oo laga yaabo in ay jiri karaa in ka badan oo aan la ogeyn ayaa xaalada ka dhigeysa mid qatar ah xili waliba hay'adaha Samafalka ee ka howl-gala Gobalada Bartamaha Soomaaliya yihiin kuwo aan ku baraarug saneyn dhibaatada Nolaleed ee heysata dadkii dhawaan ka soo barakacay Dagaalada Magaalada Muqdisho oo wali ay soo gaaraya kuwo cusub oo aan ka warqabin dhibaatada heysata kuwii iyaga ka soo horeeyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Waa Sidee Xaaladda Caruurta Qoysaska soo barakacay ee ku nool Bartamaha Soomaaliya?
More News
- MADAXWEYNE DAAHIR RIYAALE: “C/llaahi Yuusuf Waa Nin isagoo kursigiisii ku fadhiya hadana jecel in uu cid kasta u hanjabo, waxaana anigu qabaa hanjabaad waxba ku qaadi-mayo….”
- Dad Soomaali ah oo ka cararay dhibaatooyin ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi oo isugu tegay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya
- Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) oo xalay la weeraray, Khasaare Naf iyo Maal lehna loo geystay
- Muqdisho oo xalay deganeyd marka laga reebo weerar lagu qaaday Saldhigga Degmada Huriwaa
- Diyaarad nooca wax basaasta ah oo ku soo dhacay Degmada Laas-Qoray ee Gobolka Sanaag
- Taliyaha Sirdoonka Somaliland oo is-casilay
- Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray go’aan ku saabsan Xeerka la-dagaallanka Musuqmaasuqa