Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) oo xalay la weeraray, Khasaare Naf iyo Maal lehna loo geystay

Arbaco, January 02, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen xarun ay Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG)  ku leedahay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan deegaanka Km13, iyadoo weerarkaasina uu hay’adda ka soo gaaray khasaare naf iyo maal isugu jira.

Kooxaha hubeysan ee weerarka ku qaaday xarunta Hay’adda oo watay labo gaari, isla markaana aad u gubeysnaa ayaa markii ay xarunta galeen waxay dileen mid ka mid ah ilaaladii Hay’adda, mid kalena waa ay dhaawaceen.

Madaxa Hay’adda DBG Xaaji Abuukar Shiikh Cali ayaa sheegay in xalay 11-kii habeennimo ay weerar ku soo qaadeen kooxo hubeysan oo uu sheegay in uu arkay in ay ahaayeen kuwo doonayay in ay dhac u geystaan, wuxuuna taasi ku sababeeyay in ay  qaateen Lacag dhan 150 Milyan Shillin Soomaali ah oo taalay Dukaan lacagta lagu sarifo oo xarunta Hay’adda ku yaala iyo Computer-ro kuwa gacanta lagu qaato ah (Laptops) oo ay Hay’adda lahayd.

Xaaji Abuukar waxaa uu sheegay in aysan kooxahaasi qeyb ka ahayn dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho, isla markaana ay ahaayeen kuwo doonayay in ay dhac u geystaan Hay’adda DBG oo sida uu yiri ah Hay’adda NGO Local ah oo caawisa Dadka Soomaaliyeed.

“Ma jiirn wax khilaaf ah oo nagala dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Kooxaha Muqaawamada ah ee ka soo horjeeda, sidaas darteedna waxaan u heysanaa in kooxihii na soo weeraray ay ahaayeen kuwo hunguri-doon ahaa”ayuu yiri Xaaji Abuukar oo sheegay in Hay’addooda ay tahay mid samafalka ka shaqeysa oo aan wax siyaasad ah shaqo ku lahayn.

Xaaji Abuukar waxaa uu sheegay in wax ka qabashada arrintaas ay u taallo maamullada jira, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan jirin cid ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la soo xiriirtay, marka laga reebo Hay’ado ay saaxibo yihiin.

“Ma jirto cid ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weerarkaas kadib noo timid, balse waxaa nala soo xiriiray qaar ka mid ah Hay’ado aan wada shaqeyno”ayuu yiri Xaaji Abuukar oo intaas ku daray in ay saaka tageen deegaanka ay Xaruntooda ku taalo Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo gaaf-wareegaya agagaarka Xarunta Hay’adda DBG.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhibaato loo geysto Hay’adda DBG, waxaana dhawaan gaari ay leedahay lagu dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo dhaawac loo geystay mid ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda oo gaarigaas saarnaa.

Hay’adda DBG ayaa waxay ka mid tahay Hay’ado dhowr ah oo caawiya dadka tabaaleysan ee ku dhaqan gobollada Shabeellooyinka iyo Banaadir, waxaana xusid mudan in ay dhawaan Barkado ay biyo ka cabaan u sameysay Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku sugan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo mararka qaarkoodna ay dadkaas raashin u qeybiso.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia