Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Gobolka Hiiraan oo ka badbaaday Qarax Miino oo lagu dili lahaa

Sabti, January 12, 2008(HOL): Qarax loo adeegsaday Miinada dhulka la geliyo ee meelaha fog laga hago ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka dhacay Xaafadda Howl-Wadaag ee Magaalada Beledweyne, inta la ogyahayna qaraxaas waxaa ku dhaawacamay labo ruux oo rayid ah, iyadoo sidoo kalena gaariga Guddoomiyaha uu firirkii qaraxa loo gaaray.

Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay Xaafadaha Magaalada Beledweyne ayaa lagu weeraray Gadiid uu la socday Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Gobalka Hiiraan Sh. Cismaan Bare Max'ed oo xilgaas ku sii jeeday Hoygiisa.

Wax yar ka dib markii uu Qaraxu dhacay waxaa goobta Gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Baliiska oo hadda baaritaan ka wada halka Qaraxu ka dhacay, waxaana halkaas ka kala cararay dadkii ku sugnaa, si aysan waxyeello uga soo gaarin howlgallada ay Ciidamada sameynayaan.

Ma'ahan markii ugu horeysay oo la weeraro Gudoomiyaha Max'kamada Sare ee Gobalka Hiiraan ShiikH Cusmaan Barre, Bartamahii Sanadkii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii uu  ka bad-baaday weerar uu ku soo qaaday nin ku hubeysaa Batoolad xilli Gudoomiyuhu uu sii gelayay Guriga uu ka degan yahay xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne.

Weerarka lagu qaaday Gudoomiyaha Max'kamada Sare ayaa ku soo beegmay xili sidoo kale habeen ka hor Bam kuwa gacanta lagu tuuro ah lagu weeraray Guriga uu Magaalada Beledweyne ka degan yahay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed, iyadoo qaraxaasina uu ku dhaawacmay qof rayid ah.

Dhanka kale wararka laga helayo Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in muddo gaaban uu joogsaday Ganacsigii Degmadaas kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Ciidamo ku hubeysan gadiidka dagaalka oo sida dadka deegaanku sheegeen ka tirsan Ururka Al-shabaab oo maalmihii aynu soo dhaafnayaba dhaq-dhaqaaqyo ka waday qeybo ka mid ah Gobalada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia