Sabti, January 12, 2008(HOL): Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK ayaa Markii ugu horeysay ka bilaawaday gudaha Magaalada Beledweyne howlo dib u dhis iyo waliba dayactir loogu sameynayo Dusiyadii ku bur buray Dagaaladii Sokeeye ee dalka ka dhacay kuwaasoo qaar kood isku badalay Goobo ganacsi iyo waliba deegaano Qoysas ku nool yihiin.
Dugsiga Hoose dhexe ee Buunta-weyne waxaa la dhisay 1937 xiligaa oo ay dhitibada u taagtay Dowladii Taliyaaniga ee waqtigaa gumeysan jirta K/Soomaaliya, mana jirin wixii xiligaa ka danabeeyay wax dayactar ah oo lagu sameeyay taasoo ka dhigtay Dusiga mid bur bur weyn uu soo gaaro.
Avv. Abuukar Cali Geedi waxaa ka mid yahay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool UK lakiin sida uu u sheegay HOL wax ku bartay Dugsiga Buunta-weyne ee Magaalada Beledweyne oo uu hadda bilaabay in uu dib u dib u dhis ku sameeyo kadib kulan uu la qaatay odayaasha iyo wax-garadka Xaafada uu Dugsigu ku yaalo ee Buunta-weyne.
Abuukar Cali Geedi waxaa ka hadlaya Taariikhda Faca-weyne ee dugsigu leeyahay iyo waliba sida sanadihii ugu danbeeyay loo dayacay, waxaana uu intaa ku daray in inta badan marka la eego dhalinta ka soo jeeda Gobalka Hiiraan ee Qurbaha ku Nool yihiin kuwo Wax-barshadoodii Hoose ka bilaabay Dugsiga Buuta-weyne "" Waana tan keentay ayuu yiri in hadda lagu dhiiradii sidii mar kale dib loogu soo celin lahaa qaab-dhismeedkii Dugsiga .
Waxaa uu sheegay Abuukar in maanta dadka Soomaaliyeed ay dhuntay Wadniyada waayo Ayuu yiri "" Dadku ma fahan sana in Goobaha danta guud yihiin kuwo Iyaga ay leeyihiin, Waxaad Arkeysaa Qoysas dhax-tagan Dugsiyadii Wax-barashadda haddana Caruurtooda doonaya in ay wax u bartaan taasoo ah ayuu yiri arin layaab leh.
Waxaana uu intaa ku daray in Odayaasha iyo Wax-garadka Xaafadda Buunta-weyne uu ku amaanayo sidii ay xilka isaga saareen Ilaalinta Dugsiga si markaa uusan u noqon mid la mid ah Dugsiyadii kale oo hadda Hoy u ah Qoysas badan oo Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in Sanadkan 2008 la dhameystiri doono inta badan dhismaha Dugsiga gaar ahaan wareega Darbiga Dugsiga oo gabi ahaan meesha ka baxay, taasoo ay siweyn u soo dhaweeyeen dhamaanba Wax-garadka iyo Odayaasha Xaafadda Buunta-weyne ee Magaalada Beledweyne.
C/laahi Jidhaan Jimcaale oo ah xiriiriyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK iyo waliba Odayaasha Xaafadda Buunta-weyne ayaa sheegay in hadda la hayo qeyb ka mid ah dhaqaalihii loogu tala galay dhismaha Dugsiga, walow haddana sida uu sheegay dhaqaalahaasi aheyn mid kuwadda filan baahida dugsigu u qabo dib u dhis lagu sameeyo, waxaana uu dhanka kale u Mahad-celiyay Abuukar Cali Geedi oo ah ayuu yiri Ardaygii ugu horeeyay ee soo xasuuta Dugsigii uu ka bilaabay Wax-barashada.
Inkastoo Abuukar Cali Geedi uu hadda bilaabay dhismaha Dugsiga ayaa haddana waxaa uu sheegay in mar walba loo baahan yahay Gacan laga wadda geysto sidii mar kale dhidibada loogu taagi lahaa Dugsiga Buuta-weyne, gaar ahaan waxaa uu fariin u dirayaa dhamaan Ardaydii Wax ku baratay Dugsiga ee ku nool Qurbaha "" Ma yara Ardayda ka baxaday Dugsigan oo maata Qaardood ka shaqeysta daafaha Aduunka sidaa daradeed ha ogaadeen waajibka ka saaran in laga qeyb-qaato dhismaha Dugsiga oo ah kan u sahlan heerka maanta ay joogaan Ayuu yiri Abuukar Cali Geedi oo Xiligaa dhax-joogay Gudaha Dugsiga Buuta-weyne.
Magaalada Beledweyne marka la eego dhamaan waa ay bur bureen Dugsiyadii wax-barashada ee Rasimiga ahaa Qaarkoodna waxaa laga sameystay Meherado Ganacsi sida Dugsigii ugu caansanaa Magaalada Beledweyne ee Axmed Warsame oo hadda isku badalay Suuq uu ka socday Ganacsi aad u balaaran.
Haddii aad dooneyso in aad gacan ka geysato la xiriir Email:- [email protected] Ama Tel:- 00447940249433 oo laga helo Abuukar Cali Geedi. Ama 0025215571667, oo laga helo C/laahi Jidhaan Jimcaale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK oo Magaalada Beledweyne ka bilowday dib u dhis lagu sameynayo Dugsiga Buundo-weyn
More News
- Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Gobolka Hiiraan oo ka badbaaday Qarax Miino oo lagu dili lahaa
- Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Kooxo Burcad ah oo maanta dilal iyo dhaawac u geystay Dad Rayid ah oo ku sugnaa Deegaano ka tirsan Sh/Hoose
- Xubnaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo maanta shirkoodii ugu horeeyay Baydhabo ku yeeshay
- Xaaladda Magaalada Baydhabo oo saaka degan kadib askari Itoobiyaan ah oo shalay lagu dilay
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley
- Xaaladda Dhaqaale ee Soomaalida Ottawa
- GUDDOOMIYE XIGEENKA 2AAD EE WAKIILLADA S/LAND: “Bisha February waxaanu Maamulka Somaliland kala hadlaynaa in Wasiiro u qalma Gobolka Sool la siiyo”