Sabti, January 12, 2008(HOL): Xaaladda Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa maanta degan kadib markii shalay magaaladaas lagu dilay Askari Itoobiyaan ah oo ka dukaameysnayay Suuqa Baydhabo.
Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa shalay gelinkii dambe iyo xalay waxay ahayd mid aad u kacsan, iyadoo gudaha magaaladana lagu arkayay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo howlgallo baaritaanno ah sameynayay.
Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa shalay si weyn u baqay kadib markii Askariga Itoobiyaanka ah la dilay, waxaana markii uu dilkaas dhacay kadib la arkayay dad badan oo xirayay goobahooda ganacsiga, kuwaasi oo ka baqayay in ay waxyeello u geystaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo daqiiqado kadib tegay goobtii Askariga lagu dilay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay degan tahay, balse waddooyinka magaalada dhexmara qaarkood lagu arkayo Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan, kuwaasi oo feejignaan ay ka muuqato.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay magaalada Baydhabo ku qabeen kalsooni ah in ay magaalada iska dhex mushaaxaan iyagoo aan wax cabsi ah qabin, balse haatan xaalku sidaasi waa ka duwan yahay, waxaana la sheegayaa in aysan ciidamadu sidii hore u dhex socon magaalada, haddii ay jiraan kuwo dhaqdhaqaaqyo sameynayana ay yihiin kuwo cabsi ay ka muuqato.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia