Sabti, January 12, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.
Ciidamadan oo ka soo baxay Saldhigga Galbeed ee Degmadaas ayaa waxay guri guri u baareen xaafadaha u dhow Saldhigga Degmada Dharkeenley, waxaana la sheegay in intii ay howlgallada wadeen ay hub ka heleen goob caafimaad oo uu nin Dhaqtar ah ku lahaa Degmadaas.
Sidoo kalena Qof ka tirsan Dadka Degmada Dharkeenley oo diiday in magaciisa la sheego ayaa wuxuu sheegay in ay sidoo kale Ciidamada kaxeysteen labo nin oo ka tirsan Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano Degmadaas, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halkii ay Ciidamada la aadeen.
Waa howlgalkii labaad oo ay muddo todobaad gudahiis ah Ciidamada Dowladda ka sameeyaan Xaafadaha hoos-yimaada Degmada Dharkeenley, iyadoo howlgal midkan ka horeeyay ay Ciidamada ku soo heleen hub iyo waxyaabo qarxa, waa sida uu sheegay Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Banaadir, ahna Taliyaha Qeybta Galbeed C/llaahi Xasan Bariise.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Talisyada Ciidamada Dowlada Federaalka oo ku saabsan howlgallada ay Ciidamada sameeyeen oo ahaa kuwo ballaaran oo ay beryahan ka wadeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia