Sabti, January 12, 2008(HOL): Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Gollaha Wakiillada, Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sharaxaad ka bixiyay aragtida ay Gole ahaan ka qabaan Socdaalka M/weynaha iyo waxa ay kala socdeen ka hor intii aanu M/weynuhu ka amba-bixin dalka.
Guddoomiyaha oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayay Ogaal, ayaa sheegay in masuuliyiinta Ururka Qaran ay u keeneen waraaq ay kaga hadlayaan waxa xuquuqda u siinaya inay urur furtaan, taas oo uu sheegay inay shir-guddoon ahaan jawaab ka bixin doonaan.
Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa kale oo uu ka hadlay arrimo dhinacyo badan taabanaya, oo la xidhiidha arrimaha siyaasadeed ee qaddiyada Somaliland, xaaladdaha gobolka Sool, halka ay marayaan taakulayntii gobolka Sool loo qoondeeyay iyo arrimaha la xidhiidha socdaalka Madaxweynaha, Miisaaniyadda. Waraysiggaasina waxa uu u dhacay sidan:
S: Maxaa ka wada hadasheen masuuliyiinta Ururka Qaran ee aad la kulanteen?
J: Waraaq bay noo keeneen ay kaga hadlayaan shuruucda iyo waxa xuquuqda u siinaya inay Urur furtaan, waxay naga doonayeen waxa weeye, in sharcigu u ogol yahay inay Urur furan karaan iyo in kale. Markaa iyagu waxa ay annaga naga rabeen, waxa weeye inay sharcigu u ogol yahay inay urur furan karaan iyo inkale, markaa waraaqihii waanu ka qabanay, waanu akhrinay, annagaa jawaab idin siinayna ayaananu nidhi. Dee, kollayba waraaqda waa inaanu ka jawaabnaa, mooshinkaasina waa jiraa oo marka golaha la furo, ayuu sugayaa, annagana waxay naga sugayaan ra’yigayaga ka dhiibano waraaqda ay noo keeneen, oo sharciyan la-taliyeyaasha sharciga aanu marino oo sharciyan aanu u jawaabno.
S: Marka hore waraaqda la taliyeyaasha sharci ayaa u gudbinaysaan jawaabta aad ka bixinaysaan miyaa?
J: Waanu u gudbinaynaa marka hore la taliyeyaasha sharciga, qodob-qodob bay u egayaan, waxa ugu badana waa xeer 14, kaasna jiritaankiisa layskuma hayo….. ee waxa meesha ka maqani waa diiwaan-gelintii, markay soo eegaan la-taliyeyaasha sharcigu ayaananu u jawaabaynaa haddii Ilaahay yidhaahdo.
S: Gudoomiye sanadkii 2008-da ayaynu galnay, miisaaniyadii hore iyadoo muran ka jiro ayuu sanadkii cusbaana soo galay, sideed arrintaa u arkaysaan?
J: Miisaaniyadii 2007-da, may dhaqan-gelin, oo lagama heshiin, markaa waxaanu sugaynaa xisaab-xidh iyo tii sanadka 2007-da, intaan la keenin tii 2008, waa in la xalilaa tii hore. Ka hor inta aan taa hore la xalilina, immika lagama hadli karo taas.
S: Inta ka horaysa xalka laga gaadhayo murankaas, maxay dawladu ku sii shaqaynaysaa?
J: Dee, hadaba tii 2006-dii ayaa lagu shaqeeyaa, markaa tii 2007-da ayaa lagu sii shaqayn doonaa bay ila tahay.
S: Sanad walba waxa dastuuri ah in Madaxweynuhu Golaha horyimaado, oo khudbad-sannadeedka ka hor akhriyo, idinkana (golaha wakiillada) idiin muu horiman Madaxweynuhu, markaa taas ma ka wada-hadasheen ka-shirguddoon ahaan, maxaase iddinka meel yaala?
J: Waxay ila tahay inaanu qoraal u gudbin doono Madaxweynaha, aanu ku waydiinayno inuu ka hadlo barnaamij-siyaasadeedkiisa, oo uu golaha ka hor akhriyo. Markaa waxaanu sugaynaa marka shir-guddoonku isku soo dhamaadaan oo Guddoomiyuhu soo noqdo, haddii Ilaahay yidhaahdo. Sannadihii hore, af-mooyee qoraal ugumaanaan gudbin, waad ogaydoo, tallooyinkii iyo waxyaabihii guddiga dhexdhexaadintu ka hadleen way ku jirtay.
S: Dhawaaqyadan ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska iyo kii ka horeeyay ee Maraykanka sidaad u aragtaan shirgudoon ahaan?
J: Waxaanu u aragnaa waxa weeye, waa talaabooyin fiican. Tii Maraykanku waxay ahayd talaabo fiican. Dawladaha waawayn hadal-hadaynta hadda carabkooda ku soo badanayaa Somaliland, waxa ku xiga wax waynoo wax u taraysaa Somaliland, aad baanuna ugu faraxnay hadaladii Ingiriiska iyo Maraykanka. Waxaanuna rajaynaynaa in dhakhso guul looga gaadho, oo ay meel fiican ay marto……Dhawaaqan ka soo yeedhay Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiskana, dhawaaqiisu miisaan wayn ayuu leeyahay, markii ugu horaysay ee Raysal Wasaare dawlad wayni carabka ku dhuftay Somaliland weeye. Ictiraaf ma sheegin. Laakiin in wax laynala qabanayo ayaa faa’iido wayna, oo aynu dadka dhaqaale u helo. Haddaynu dadka dhaqaale u helo aqoonsiguna waa iskaga xigaa. Markaa soo qaadistaa waxay tahay wax faa’iido inoo leh oo aad loogu faano.
S: Socdaalkan uu Madaxweynuhu ku marayo Ingiriiska iyo Maraykanka, wax la-tashi ah, ma idinkala sii yeeshay ka-gole wakiillo ahaan?
J: Mayee, waxa weeye la-tashi nalama yeelan, waxa fiicnaan lahayd markaas oo kale in goleyaasha cid laga kaxaysto, oo iyadoo laysku dhan yahay la aado oo si balaadhan loo galo, ayaanu jeclaan lahayn……….Waxa weeye, dhinacayaga ayaanu kala soconaayoo, bulshada caalamka annaga qudhadayadu toos baanu ula xidhiidhnaa, oo iyaguna way nala soo xidhiidhaan, markaa waxa weeye, madaxweynuhu casuumad ayuu ku tegay, waynuna sugaynaa. Laakiin, waxaynu rajaynaynaa in talaabo hore loo qaaday ay tahay.
S: Dhinaca kale Gudoomiye dhawaanahan waxa ka soo yeedhayay dhawaaqyo gobolka Sool, sheegaya in maamulka Puntland soo abaabulayo ciidamo ku soo wajahan magaalada Laascaanood oo cabsi wayni ka jirto, oo dadku ka baro kaceen arrintaas darteed, maxaad kala socotaa arrintaa?
J: Waxa weeye, waxan jaraa’idku qorayaa waxa allaale iyo wax ka jiraa ma jiraan. Ciidan soo socdaana ma jiro, ogaantay ciidan yar oo hawdka joogay maantay (shalay) isa soo dhiibeen, markaa wax ciidana iyo baqdin meesha taalaa ma jirto. Laakiin qoladan Saxaafada ayaa hadaladan faafinaya. Wax cabsiya iyo ciidan soo socda midna ma jiro. Waad ogatahay waxa ka dhacaya Boosaaso, ee waxani waa warar la fidinayo ee iyaga (Puntland) isku mashquulsan, balse ma jiraan wax cabsi ah iyo ciidan Laascaanood ku soo fool-lihi midna. Barobagaandadana dad baa fidinaya.
S: Gudigan taakulayntu wax taakulayn ah oo ay gobolka Sool gaadhsiiyeen ma jiraan?
J: Waxaanu filaynay waxa weeye, in taakulayntu dhakhso u tagto. Taakulayn wayn oo hadda la sheegi karo, oo la taaban karo oo aan dhaafsiisnayn dhowr xafiis oo la-dayac-tiray mooyaane, taakulayntii waynayd ee la filayay dibbay u dhacday. Waa tii Madaxweyne-ku-xigeenku guddiga la sameeyay uu madaxa u ahaa, markaa bil walba wixii soo baxa, ayaanu filaynay, in gobolka lagu sii maal-geliyo. Hadda, dee waad maqlayseen oo waxaa la yidhi, 28 January, ayaa wixii taakulo ah oo lacag la helay ah laysu geynayaa. Markaa waxaanu filaynaa, in dhakhso wax loo geeyo, oo waxqabad dadka la tuso. Habeenkii dhacaaba dhibaato ayuu keenayaa, dadkii dee, rajo wayn baanu soo gelinay, markaa waxaanu filaynaa markaa waxaa laysu keeno wixii lagu qaban lahaa in daraasad laga sii sameeyo.
S: Siyaasiyiintiina ka soo jeeda gobolka Sool, kalsooni intee le’eg baad ku qabtaan in hawl-galku noqdo mid wax ku ool ah, oo wax badan ka bedela horumarka gobolka Sool?
J: Waxa weeye, waxyaabo badan baanu ka qabnaa, shakiguna wuu iska jiraa, laakiinse waxa weeye, marka lacagta laysu keeno, waxa horumarka ah ee Sool galaya, waxa weeye dee annaguna waanu daba-joogaynaa, sahan badan baanu soo qaadnay. Markaanu gobolka (Sool) tagno, waxa nala waydiiyaa, maxaa soo kordhiseen?...................Lacagta ugu badani waxay noqonaysaa 2% la saaray cashuuraha, iyo wixii dadka dibaddaha jooga laga helo. Waxaanu rajaynaynaa marka bisha February la gaadho, inaanu ka haddalo maamulka Somaliland laftiisa qaybtii uu ku lahaa Gobolka Sool in loo helo Wasiirro u qalma gobolka oo la siiyo, oo waxa weeyaan wasaaraddaha in dib loo furo, oo wasaaraddaha laysku shaandheeyo, oo wasaaraddaha waawayn ee dalka wax laga siiyo. Waxa kale oo aanu ka hadlaynaa, in cashuur-dhaaf la siiyo baayac-mushtarka gobolka Sool. Markaa marka ay meeshu (Sool) xasisho, ayaanu ka hadli doonaa waxyaabihii naga maqnaa oo dhan, haddii Illaahay yidhaahdo.
Barkhad M. Kaariye
[email protected]
Hargeysa, Somaliland