Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Kooxo Burcad ah oo maanta dilal iyo dhaawac u geystay Dad Rayid ah oo ku sugnaa Deegaano ka tirsan Sh/Hoose

Sabti, January 12, 2008(HOL): 2 Ruux ayaa geeriyootay Seddex ruux oo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay maanta siyaabo kala duwan ay rasaas ugu fureen Dad Rayid ah  Kooxo hubeysan iyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo dhamaantood rayid ahaa ayaa waxay ku sugnaayeen markii ay rasaasta haleeleysay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Laanta-buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhacdada koowaad oo ka dhacday Deegaanka Laanta buuro ayaa waxaa ku dhimatay Haweeney, waxaana ku dhaawacmay  labo Haween ah oo kale oo ay gaari wada saarnaayeen, waxaana la sheegay in ay haweenkaas dhibaatada soo gaartay kadib markii ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo doonayay in ay dhacaan.

Binti Cariif oo ka mid ah labada Haweenka ah ee uu dhawaaca soo gaaray ayaa waxay sheegtay in markii rasaasta lagu furay gaariga ay saarnaayeen ay ku sii jeedeen Garoonka Diyaaradaha N0. 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay sheegtay inay doonayeen in ay Qaad ka soo qaataan.

Dhacdada kale oo ka dhacday Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah meesha ay u barakaceen inta badan Dadka Dagaallada Muqdisho ka cararay ayaa waxaa ku geeriyooday canug yar oo ay hooyadiis dhabta ku heysay, halka Hooyadiina uu dhaawac soo gaaray. Hooyada iyo canugeeda ayaa markii ay rasaasta ku dhaceysay waxay ku sugnaayeen meel laga raaco gaadiidka isaga kala goosha Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.

Rasaasta sababtay dhimashada canuga yar iyo dhaawaca Hooyada dhashay ayaa waxaa furay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo watay 3 gaari oo ah kuwa ay Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha, kuwaasi oo ka yimid dhinaca magaalada Baydhabo, isla markaana ku sii jeeday dhinaca Magaalada Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Soomaaliya oo tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore aan helin nidaam soo celiya nabaddii, sharcigii iyo kala dambeyntii ayaa waxaa ku sii kordhaya dhibaatada uu hubka u geysanayo, waxaana mar kasta la maqlaa rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac, qarax ay dad ku dhinteen, madfac aan la aqoonin meel laga soo tuuray oo qoysas baabi’iyay iyo weli dilal bareer ah oo muddooyinkan dambe soo kordhayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia